Maayarka Iyo Shaqaalaha Dawlada Hoose Ee Saylac Oo Laba Maalmood Shaqada Laga Joojiyay Iyo Sababta Keentay

0
858

 

SASaylac( Geeska )- Maayarka Cusub ee golaha deegaanka magaalada Saylac uu doortay Md.Xuseen Iidle Barkhad iyo shaqaalaha dawlada hoose ee magaaladaas ayay ciidamada boolisku ku amreen inay shaqada ka maqnaadaan muddo laba cisho ah oo ay baadhitaan ku samaynayaan gaadhigii maayarka ee halkaas lagu gubay.

 

Sida uu maayarku ugu waramay wargayska Geeska Afrika oo la yeeshay waraysi gaar ah, waxa sida oo kale uu maayarku sheegay in amaanka magaaladu uu haatan dagan yahay, isla markaasna ay joogaan ciidamo ammaanka inay sugaan ku filan, waxaanu ugu danbayntii maayarku xusay inay la qaateen arintaas hogaan ka tirsan ciidanka booliska oo halkaas baadhitaan ka wada.

Maayar  Xuseen Iidle Barkhad oo ugu horayntii aanu waydiinay bal waxa ka jira in ciidamada boolisku ay amreen inay shaqada ka maqnaadaan muddo maalmo ah ayaa ku jawaabay “ Shaqo baadhitaan ah oo baabuurkii gubtay ah ayay ciidanku wadeen, wax maayar uun loo diiday maahee  dhamaan shaqaalii dawlada hoose shaqada haka joogaan ayay  yidhaahdeen, baadhitaanka waxa wada hogaan ciidanka booliska ka tirsan oo Hargaysa ka yimi, arintana waan ka wada tashanay  wax ay iyagu go’aan gaar ah u qaateena maaha, waxaanay yidhaahdeen maanta iyo bari  maqnaada hawlahiinana dibada waad ku wadan  kartaan.Markaas intaydii golaha joogtay waxaanu nidhi  ciidanka shaqadooda u daaya maadaama oo ay yidhaadeen baadhitaan ayaanu wadnaa.”

Maayarka oo aan su’aalnay xaalada amaanka ee magaalda Saylac rabshadihiii kadib ayaa yidhi “Amaanka guud ee magaaladu waa uu wagaagsan yahay waxaana fadhiya ciidan ku filan, cid aan anigu si leeyahay wax bay qas galinayaana iima muuqato.”

Magaalada Saylac ayaa maalmahii ugu danbeeyay la daala dhacaysay mudaharaado rabshado wata oo lagaga soo horjeedo doorashadii golayaasha deegaanka ee dalka ka qabsoontay, waxaana mudaharaadadaas ku naf waayay hal qof, ku dhawaad tobaneeyo qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen.

A