Obama Oo Saxeexay Sharci Naftiisa Iyo Bush U Ogolaanaya Ilaalo Inta Ay Noolyihiin

0
703

 

obamaWashington (Geeska/The Ticket)- Madaxweyne Barack Obama ayaa khamiistii saxeexay sharci u ogolanaaya isaga iyo madaxweynahii hore Bush iyo xaasaskooda helitaanka ilaalo khaas ah inay nool yihiin, sida Aqalka Cad sheegay.

 

Sharcigan, oo hore xildhibaan ka tirsan xisbiga Republican, Trey Gowdy uu diyaariyey sannadihii shagaashamaadkii, ayaa ku xadidaya ilaalada madaxweynayaasha 10 sannadood, keliya, oo xildhibaandii taageersanaa ku doodeen inuu madhxinayo malaayiin doolar, isla markaana, madaxweynayaashu kiraystaan ilaalo gaar ah sida Richard Nixon sameeyey sannadkii 1985.

Sharcigan ayaa sidoo kale sheegaya in caruurta Madaxweynayaashii hore helaan ilaalo ilaa da’da 16-jirka, balse hadii xaaska Madaxweynahu nin kale guursato aanay helayn ilaalo khaas ah.

Sharcigan ilaalada khaaska ah ee Madaxweynayaasha oo bilaabmay 1901, ka dib markii shirqool lagu dilay  McKinley sannadkii 1965, ayaa aqalka Odeyaasha ansixiyey ciidankaa oo xilligan isu bedelay waaxda ilaalada gudaha, ee ilaaliya Madaxweynayaashii hore.