Raysalwasaare Raila Odinga Oo Ka Hadlay Safar Uu Ku Yimaado Hargeysa

2
887

 

KeynaNayrobi(Geeska)-Raysalwasaaraha Kenya Mr. Raila Odinga, ayaa markii u horaysay ka jawaabay wararkii sheegayay inuu caasimadda Somaliland ee Hargeysa safar ku iman doono.

 

Raysalwasaare Raila Odinga, oo uu dhawaan waraysi gaar ah la yeeshay saxafiga  caanka ah ee Cabdisalam Ibrahim Hereri, ayaa wuxuu sheegay inuu Hargeysa iman doono haddii lagu martiqaado isagoo xusay inuu horeba u yimid. Weriye Cabdisalaam oo waraysiga uu Raila Odinga la yeeshay kaga waraystay arrimo badan oo isugu jira caalami, mandaqadda iyo gobalka Geeska Afrika, waxa su’aalihii uu weydiiyay ka mid ahaa wararka sheegayay inuu Hargeysa iman doono, waxaanu Mr. Raila Odinga kaga jawaabay,  “Sidaad ogtihiin horaan u tagay  Hargeysa , waxaanu doonaynaa in si kama dambaysa loo soo afjaro arintaas Somalida gaarka u ah. Haddii  laygu soo marti qaadana waan tagi doonaa magaalada Hargeysa, mana doonayno in aanu fara galin ku samayno arrimha gudaha dalka Somaliya sida ay u xalisanayaana waa mid soomaalida u taala. Laakiin waxa ay ila tahay in Somaliland laga qabtay hawlo aad u wanaagsan, waxaana ka jirta nabadgelyo iyo hawlo horumarina oo halkaas ka socda taas oo ay kaga duwantahay dhinaca koonfurta.  Waxaanan doonaynaa in sidaas oo kale laga sameeyo koonfurta Somaliya.”

Waraysiga uu Cabdisalam Hereri la yeeshay Raysalwasaaraha Kenya oo habeen hore laga baahiyay telefishanka Universal oo uu saxafigu ka tirsanyahay, waxa kale oo uu kaga hadlay hawlgalka ay ciidamada Kenya ka wadaan dalka Somaliya, waxaanu sheegay in hawlgalkaasi yahay mid ay dantu ku qasabtay, waxaanu sheegay inay tahay markii u horaysay ee ay ciidamada Kenya ka talaabaan xuduudkooda tan iyo markii ay xoriyadda ka qaateen dalka Ingiriiska. Waxaanu sheegay inay sabab u tahay dhibaato uu sheegay inay Al-Shabaab ku hayso dalkiisa Kenya.

Comments are closed.