Cilmi Kabaal Oo Ka Sheekeeyay Sidii Uu Isu Baray Marxuum Cigaal Iyo Rayaale

0
754

 

Hargeysa(Geeska)-Taliyihii hore ee ciidamada Booliska Md. Cilmi Rooble Furre [Cilmi Kabaal], ayaa ka sheekeeyay sidii uu isugu geeyay Marxuum Cigaal iyo Daahir Rayaale Kaahin, oo Madaxweyne iyo Madaxweyne xigeen isu noqday doorashadii sannadkii 1997.

Md. Cilmi Rooble Furre, wuxuu sheegay inuu Alle ka sokow isagu ahaa shakhsiga sababta u noqday in Daahir Rayaale Kaahin noqdo Madaxweyne xigeen, waxaanu sheegay inuu isu keenistii Cigaal iyo Rayaale bilaabay ka dib markii uu Marxuum Cigaal ka diiday dedaal uu ku doonayay inuu ku dhexdhexaadiyo isaga iyo Cabdiraxmaan Aw Cali Faaarax, oo ahaa madaxweyne xigeenkiisii. Cilmi, oo waraysi siiyay weriye Faysal Xiis Weerar (Afgaab), isagoo arrintaas ka hadlaya wuxuu yidhi “Wax waliba waa qadarka Alle, qadarka Alle ayay ahayd inuu Ina Rayaale noqdo Madaxweyne xigeen. Dhiskiisiina waxa ugu weynaa Cigaal, Alle wuxuu ku sababay oo meeshaas dhigayna wuxuu ahaa aniga oo ka koow ahaa.” Isagoo ka hadlaya sidii uu isugu geeyay Marxuum Cigaal iyo Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu yidhi “Cigaal ismay aqoonin, wuuu iska camal la’aa, Borama ayuu joogay anigaa uga yeedhay oo Cigaal isu geeyay, taasina waxay ahayd markii ay Cabdiraxmaan Aw Cali iyo Cigaal isdiideen. Dedaal badan ayaan ka gaystay inaan dhexdhexaadiyo Ina Aw Cali iyo Cigaal, cidna  uma sheegin, waxaanu Cigaal yidhi ma suurtogelayso laakiin waxaan kaa yeelayaa cidda aad keento haddii aad Cilmi tahay, markaas Daahir Rayaale sidaas ayuu ku yimid, sabab Allena way iska ahayd, sabab adoon samayn karo may ahayn, Alle ayaana sidaas wax u qoray, markaas sidaas ayay ahayd.”

Cilmi Kabaal, oo la weydiiyay sababta uu Daahir Rayaale xilkii taliyaha Booliska uga qaaday maadaama oo uu door ku lahaa soo saaristiisii, wuxuu yidhi “Xilka iyo isagu shaqo iskumay lahayn, waa qadarka Alle ayuu sidaas ahaa, maatana waa wax tagay oo waxaas ayaa sabab u ahaa ma fiicna inaan idhaahdo ee qadarka Alle ayaan ka soo qaadaynaa.”

Taliyihii hore ee Booliska, oo la weydiiyay wakhtigii ay ugu naxdinta badnayd, wuxuu sheegay inay ahayd xilliyadii adkaa ee dabayaaqadii sagaashamaadkii oo uu ahaa taliyaha Booliska, waxaanu yidhi “Naxdimuhu way igu badnaayeen, waxaanan ugu naxdin  badnaa dee maalin walba Hargeysa waxbaa lagu dili jiray, markaan laba soo qabtana in la odhan jiray isagoo aan gacantii ku hayno isagoo xabaasha lagula rido maahe la aasi maayo.”

Wuxuu sheegay inay dadka uu ka soo jeedo ruuxa wax laga dilay,  diidi jireen in gacan ku dhiiglaha maxkamadda la horgeey oo sharciga la mariyo, waxase uu umadda Somaliland ku ammaanay sida ay uga soo gudbeen marxaladaas.