Marwo Aamina-Weris Oo Ka Hadashay Mawduucyo Madaxweynaha Laga Sugayay

7
759

 

Hargeysa(Geeska)-Marwada koowaad ee Somaliland Aamina Weris Sheekh Maxamed, ayaa ka hadashay xaaladaha dhaqaale, siyaasadaha dibadda iyo gudaha ee dalka, shir beeleedyadii dalka ka qabsoomay iyo arrimo kale.

Marwo Aamina-Weris, oo waraysi gaar ah magaalada London ku siisay telefishanka HCTV, waxa kale oo ay ka hadashay ururada siyaasadeed ee la furay oo ay rajo wanaagsan ka muujisay inay soo baxaan xisbiyo ay haween hoggaaminayaan. Aamina-Weris mar ay ka hadlaysay dhaqaalaha dalka, waxay sheegtay in xukuumadda uu odaygeedu hoggaamiyaa la wareegtay talada iyadoo ay xaaladda dhaqaale ee dalku liidato islamarkaana ay lacag badan dawladda ku lahaayeen shaqaalaha dawladda iyo muwaadiniin kale, waxaanay sheegtay in mudadii uu Madaxweyne Siilaanyo talada hayay la hirgeliyay mashaariic kala duwan inkastoo qaar kamid ah ay qirtay inay ugu yimaadeen iyadoo xukuumadii hore bilowday sida Biriishka labaad ee caasimadda Hargeysa, haddana waxay xustay in wax laga qabtay dhinacyada caafimaadka iyo waxbarashada ee gobalada dalka. Mar ay ka hadlaysay oo la weydiiyay su’aal salka ku haysay tujaarta waaweyn ee dalka oo la sheego inaanay bixin cashuurtii ku waajibtay, waxay sheegtay inaanay iyadu aaminsanayn inaanay tujaartu cashuurta bixin, waxaanay ammaantay doorka ay ganacsatada dalku ku leeyihiin horumarka dalka.

Dhinaca saxaafadda, waxay marwadu sheegtay in dawladu telefishanka qaranka gaadhsiisay qaaradda Yurub iyadoo xustay in dhawaan la hirgelin doono idaacad laga wada dhagaysto dalka iyo dibadiisa

Iyadoo marwadu ka hadlaysa siyaasadda dibadda, waxay soo hadal qaaday kulan dhawaan Addis Ababa ku dhex maray Madaxweyne Siilaanyo iyo Raysalwasaaraha Itoobiya Meles Zenawi, iyadoo sheegtay inay labada hoggaamiye ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka iyo wax wada qabsiga labada dal, waxaanay sheegtay inay labada dal yihiin saaxiibo ay dano badani ka dhexeeyaan.

Shirkii ay qaar ka mid ah beelaha Somaliland qabsadeen mudadii uu Madaxweyne Siilaanyo xilka hayay ayay iyagana marwadu ka hadashay, waxaanay sheegtay inay shirarkaasi ahaayeen kuwo ay beeluhu danahooda horumarineed kaga arrinsanayeen. Inkastoo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo si cad loogu eedeeyay inay isku dayday dhawr goor burburinta shirkii Beesha Ciise Muuse ugu qabsoomay tuulada Dubur ee degmada Sheekh, haddana marwadu waxay sheegtay inay xukuumadu shirarkaas u arkaysay kuwo danaha beelaha lagu horumarinayo, “Wixii la xumeeyo ayaa xumaada.” Ayay dhawr goor ku celcelisay Marwo Aamina-weris.

Ugu dambayn, waxa ay ka hadashay tartanka ururada iyo doorka haweenka, waxaanay sheegtay inay rajaynayso inay soo baxaan xisbiyo ay haween hoggaamiyaan.

Hadalkan ay marwada koowaad bixisay ayaa ah kuwo in badan laga sugayay Madaxweynaha Somaliland oo aan tan iyo markii uu talada qabtay horfadhiisan warbaahinta madaxabanaan si wax looga weydiiyo dhaliilo badan oo dul hoganaya siyaasadiisa iyo xukuumadiisaba. Dhawr goor oo la balan qaaday inuu shirarjaraa’id qaban doono ayaa beenoobay, kuwaas oo wax lagaga weydiin lahaa qaar ka mid ah qodobada ay marwada koowaad ka hadashay.

Comments are closed.