Mid Ka Mid Ah Dhallinyaradii Muuse Biixi Taageersanayd Oo Ka Hadlay Heshiiska Cusub Ee KULMIYE

0
690

Picture1Hargeysa(Geeska)-Mid Kamid ah Garabkii Dhalinyarada Xisbiga Kulmiye ee Gudoomiyaha Xisbiga barbar taagnaa wakhtigii Xukuumadu loolanka adag kula jirtey Maxamed Cabdikariim ayaa dhaliilay hheshiiska ay dhawaan wada gaadheen,Madexweyne Siilaanyo  iyo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE  Muuse Biixi, taas oo uu sheegay in talaabadaasi kali ku tahey Gudoomiyaha haseyeeshee,aanay la qabin taageerayaashii iyo kooxihii dhalinyarada ahaa ee uu kamidka ahaa.

 Maxamed Cabdikariin oo xubin ka ah Siyaasiyiinta da,da yar ee Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Islamarkaana, wakhti xaadirkan aaminasn in Kulmiye ku fashilmay hogaaminta dalka sidoo kalena Qeyb ka ahaa Garabkii  Muuse Taageersanaa xiligii khilaafka Hogaanka Kulmiye,iyo Xukuumada, oo Warbaahinta u waramey ayaa sheegay in ay degdeg uga jawaabi doonaan, aragtida ku wajahan in Heshiiska Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, dib usoo noolayn doono in taageerayaashii Kulmiye ku xasili doonaan Xisbiga taas oo la filayo in ay joojin doonaan dhaqdhadhaqaaqyadii ka dhanka ahaa Xukuumada ee ka dhashey Saameynta khilaafka Xisbiga Kulmiye,waxaanu carabka ku dhuftey in aanu heshiiskani ku yeelan doonin wax raad ah balse ay halkii kaga hayn doonaan. "Horta hadaan ka hadlo heshiiska ay wada gaadheen Muuse Biixi(Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye), iyo Madexweynuhu ma aha heshiis mug balaadhan ah,anagu garabkii Muusaanu aheyn waxaanu taageersanayn aragti Siyaasi ah, oo ku dhisan isabadel aanu u arkaynay in loo baahan yahey heshiiska maanta dhacey,waa heshiis ku dhisan kaambayn, oo ay Xukuumadu ugu talagashey in mudo kordhin loogu sameeyo Madexweynuhu wuxu halkaa ka sheegay in qodobada lagu heshiiyay ay ahaayeen kuwii ay gaadheen Golaha Guurtidu kuwaasina, waa kuwa aan xaqadaro u arkeynay marka horeba, waana xuduntii khilaafka Xisbiga Kulmiye markaa waxaan leeyahay waa Mid Muuse Biixi Ku Kooban , oo aanu ku matelin taageerayaashii badnaa ee aan kamidka ahaa"Ayuu yidhi Maxamed Cabdikariim.

Waxaanu ku dheeraaday Qodobadii Golaha Guurtida, kasoo baxey in ay ahaayeen mid qeyra dastuuri ah Waxa kale oo ka hadley in ay Mustaqbalka si degdeg ah u jawaabi doonaan halka ay taageeradooda isugu biyo shuban doonaan, Xisbiyada Mucaaridka ah islamarkaana, aanay marna ayidi doonin Xukuumada.

 Gabagabadiina waxa uu Xusey in tacadiyo badani Xukuumada kasoo gaadheen, mudadii ay Taageersanaayeen Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, waxaanu carabka ku dhuftey in aanay aragtidoodu aheyn mid meel gaaban ku dhisan haseyeeshee, ay ku dhisan tahey Iasbadel Siyaasi, oo dalku u baahan yahey,wakhti xaadirkan,taas oo Siyaasada hogaanka Madexweyne Siilaanyo, ay u arkaan sideedaba mid aan maanta dalku u baahneyn ee lagu maarayn karo Isbadel.