Raysalwasaaraha Somaliya Oo Cadeeyay Qorshaha Dawladoodu Ku Waajahayso Qaddiyadda Dawladda Somaliland Iyo Wada Hadaladii Labada Dal U Furmay

0
567

 

Picture6Muqdisho(Geeska)-Raysalwasaaraha dalka Somaliya Mr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa ka hadlay qorshaha ay dawladoodu ugu tallo gashay inay ku waajaho dawladda Somaliland iyo qaddiyadda madaxbanaanideeda.

Mr. Saacid, oo shalay idaacada dawladda ee Radio Muqdisho si toos ah uga jawaabayay su’aalo ay shacabku weydiinayeen, ayaa wuxuu sheegay inay sii wadi doonaan wada hadalkii ay Somaliland la bilowday dawladii uu Sheekh Shariif Madaxweynaha ka ahaa. “Qadiyada Somaliland hadda ka hor xukuumadii naga horaysay waxay ku jirtay hawsheeda,  waayadii anaga naga horeeyay, waxaanu xurmaynaynaa waxii lagu heshiiyay iyo sidii wax ahaayeen, qorshahayaguna maaha inaan nidhaahno waanu cusub nahay oo wixii hore waanu jeex-jeexnay oo waanu ka boodnay.” Ayuu yidhi Raysalwasaaraha Somaliya, waxaanu isagoo hadalkiisa sii sharaxaya uu yidhi “ Xagga siyaasada hadda ka hore madaxweynaha dawladayadu waxa uu hore si kooban u sheegay aragtidii uu doorashada ku galay ee uu ka qabay Somaliland, aragtidaas oo ahayd mid siyaasad iyo diblamaasiyad ku dhisan taas ayaanu qoraal siyaasadeed ka soo saaraynaa, oo mid rasmiya noogu noqon doonta siyaasada aanu ka leenahay, iyada oo wixii hore  u soo socdayna xidhiidh la noqon doonto, Siyaasadayada Somalilandna waxay ku dhisnaan doontaa soo jeedintii madaxweynaha iyo siyaasada cusub oo faahfaahin ka sii baxin doonta dariiqa loo mari doono.”

Raysalwasaaraha Somaliya, wuxuu hadalkiisa ku soo gunaanaday aragtidiisa oo uu yidhi , “Mar naba kuma jiri doono xoog, mar naba kuma jiri doonto isqasab,  dadka Somaliyeed iyaga oo is ogol ayay israaceen waanay ku sii wada jiri doonaan, fikir ahaana waxaan qabaa Somaliya way wada kaban kartaaye ma kala kaban karto, Somaliya waa wada jiri kartaa nabad iyo barwaaqana waa ay wada gaadhi kartaye ma kala gaadhi karto.”