Xaqsoor Oo Maanta Si Layaab Leh U Soo Baxay iyo Murashax Cabdillaahi Aw Aaden Oo Cududiisa Muujiyay

0
649

aw adenHargeysa(Geeska)-Iyadoo uu ururka Xaqsoor maanta u lahaa ololihiisii doorashada ayaa wuxuu si weyn cududiisa ugu soo bandhigay magaalada Hargeysa ee caasimadda ah, halkaas oo ay murashixiinta ururku taageerayashooda isugu soo saareen.
Taageerayaasha Xaqsoor waxay saaka aroortii iyagoo baabuur tiro badan wata ay buux dhaafiyeen jidadka magaalada Hargeysa,

dabaal

aakhirkiina waxay taageerayaal weliba iyagoo lulaya sawirada iyo astaamaha murashixiintooda ay isugu biyo shubteen goobaha

heeeyay murashixiintooda ugu khudbadanayeen. Murashixiinta sida weyn saaka uga dhex muuqday fagaarayaasha waxa ka mid ah Murashax Cabdillaahi Aw Aaden Maxamed oo goobo kala duwan ku soo bandhigay taageerayashiisa iyo tirada ay leegyihiin. Cabdillaahi oo taageerayashiisa kula hadlay goobaha kala duwan ee ay isugu soo baxeen wuxuu uga waramay barnaamijkiisa wax qabad haddii loo doorto iyo weliba khibradda uu uleeyahay shaqada dawladda hoose oo uu muddo dheer ku soo dhex jiray iyo weliba baahiyaha muuqda ee uu dabooli doono, “Waxaan idinkula dardaarmayaa inaad si wanaagsan oo nabadgelyo ah u codaysaan maalinta doorashada. Waa inaad muujisaan cududiina anigana waxaad igu halaysaan inaan muujiyo wax qabad muuqda.” Ayuu yidhi Cabdillaahi Aw Aaden.

mataan hoori
Cabdillaahi Aw Aaden, wuxuu mid mid u gacan qaaday inta badan taageerayaashiisa oo uu u qaybiyay tirada uu doorashada ku galayo, waxaanu kula dardaarmay inay maalintaas doorashada muujiyaan degenaan iyo dulqaad.

Weriye Maxamed Maxamuud Haybe (Taajir)

Hargeysa