Madaxweynaha Oo Maanta Laga Sugayo Jawaabta Uu Ka Bixiyo Qoraalka Dacwadda Ah Ee Ay Guddiga Doorashadu U Gudbiyeen

0
594

 

kkHargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa la filayaa inuu maanta ka jawaab celiyo qoraal uu u diray guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka Md. Ciise Yuusuf Xamari, kaas oo uu kaga dalbaday inuu talaabo ka qaado masuuliyiin ka tirsan shaqaalaha dawladda oo lagu eedeeyay inay u ololeeyeen xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE.

Guddioga dabo galka iyo habsami u socodka doorashada, ayaa qoraal ay soo bandhigeen waxay ay eedaymo ugu jeediyeen qaar ka mid ah badhasaabada gobalada dalka, masuuliyiin ka tirsan hay’ado dawladood oo ay ku eedeeyeen inay ku ololeeyeen hantidii umadda iyagoo taageeraya xisbiga KULMIYE. Qoraalka uu guddoomiyaha guddiga doorashadu Madaxweynaha u diray, wuxuu ku yidhi  Mudane Madaxweyne, Waxa xushmad iyo maamuus noo ah inaanu halkan kuugu soo gudbino warbixin tafatiran oo ay komishanka doorahooyinka qaranka u soo gudbiyeen Gudida dabo-galka iyo habsami u socodka doorashooyinka.

Warbixintaasi oo sideeda isku fasiraysa waxa ay ka marag kacaysaa sida qaawan ee qaar ka mid ah masuuliyiinta dawladdu ugu xad-gudbeen xeerka hab-dhaqanka xisiyadda/Ururadda siyaasadda iyo wareeegtooyinkii uu Madaxweynuhu soo saaray ee mamnuucayay adeegsiga qalabka iyo hantida dawladda iyo in masuuliyiinta dawladdu ay ku milmaan xisbiyadda.Ururadda siyaasadda.

Sidaasi darteed, waxaanu Mudane Madaxweyne, si xushmad leh kaaga codsanaynaa inaad tallaabadda ku haboon ka qaadid.”

Dad badan ayaa soo dhaweeyay qoraalka uu guddoomiyaha guddiga doorashadu Madaxweynaha kaga codsaday inuu talaabo ka qaado masuuliyiinta la calaamadiyay, waxaana uu qoraalkaasi muujiyay dhexdhexaadnimada guddiga doorashada.

Haddaba, Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu maanta ka jawaab celiyo qoraalka guddiga doorashada, waxase aan la garanayn jawaabta uu bixin doono. Waxase keliya oo laga sugayaa inuu madaxweynuhu tallaabo adag ka qaado masuuliyiinta eedaymaha loo jeediyay isagoo fulinaya digreetadii uu hore uga soo saaray in hantida qaranka cid gaar ah loogu ololeeyo.  Geesta kale, ururada siyaasadda ayaa iyaguna si weyn u dhowraya go’aanka uu Madaxweynuhu ka gaadhi doono qoraalka guddiga doorashada.