Raysalwasaaraha Israa’iil Oo Weel Sida Kabta U Samaysan Xalwad Ugu Riday Raysalwasaaraha Jabbaan, Dhaqan Ahaan Arrintaasi Ceeb Bay Ku Tahay Dadka Jabbaan

49
3607

Qudus (Geeska)- Raysalwasaaraha Yuhuudda Benjamin Netanyahu ayaa mar uu dhowaan casuumad casho ah ku soo dhoweynayey raysalwasaaraha dalka Jabbaan Shinso Abe oo marti u ahaa, waxa uu macmacaanka ugu riday weel u samaysan qaabka kabaha suudhka loo gashado.

Sida ay ku warrantay shabakadda wararka ee Middle East Eye, raysalwasaare Abe oo ay xaaskiisu weheliso ayaa Israa’iil horraantii bishan shanaad ee aynu ku jirno, ku yimi booqasho qayb ka ah, booqashooyin uu ku mari doono dalalka gobalkaas. Raysalwasaaraha Israa’iil Benyamin Netanyahu iyo xaskiisa Saarah ayaa casuumad casho ah oo ka dhacday gurigooda ku yaalla galbeedka magaalada la haysto ee Qudus, ku soo dhoweeyey raysalwasaaraha Jabbaan Shenso Abe iyo afadiisa Aki. Arrinta aanay martidu filayn ee yaabka ah ayaa noqotay markii miiskii ay ku cuntaynayeen labada raysalwasaare iyo labadooda xaas la soo saaray afar kabood oo madow jaandi ka samaysan ah, kuwaas oo ahaa weel qaabkan u samaysan oo uu madaxa cunto-kariyeyaasha raysalwasaaraha Israa’iil ku soo riday Shaglaydh iyo macmacaanno kale oo casuumadda qayb ka ahaa.

In kabo cunto loogu rido raysalwasaaraha Jabbaan oo la ogyahay in dadkiisu dhaqan ahaan kabaha ceeb iyo qudhun u yaqaannaan, ayaa loo fahmay in ay tahay arrin ku talagal ka ahayd dhinaca Israa’iiil. In aanay kama’ ku dhicinna waxaa marag u noqday markii cunto kariyaha masuulka ka ahaa samaynta cashadan oo lagu magacaabo Saqiif Mooshe uu bartiisa gaarka ee shabakadda Instegram ka ku faafiyey sawirka miiska cashada loo saaray labada raysalwasaare iyo labadooda xaas, iyada oo ay si fiican u muuqdaan kabaha madow ee cuntada loogu riday afartoodaba.

Dhaqanka dadka Jabbaan ayaa ah mid aad u fogeeya kabaha oo ay u arkaan shay wasakh ah oo aad u liita. Waana sababta ay kabaha u bixiyaan marka ay gelayaan guryaha ama goobaha kale ee ay karaamaynayaan oo xitaa ay xitaa ku jiraan qaar ka mid ah hudheellada cuntada iyo kuwa hurdada iyo goobaha taariikhiga ah. Dhinaca kalana kabaha oo la iska fogeeyo ayaa ka mid ah tallaabooyinka ugu horreeya ee nadaafadda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here