Raysalwasaaraha Hindiya Oo Gobal Dalkiisa Ka Tirsan Oo Liita Ku Maseeyay Somaliya

0
513

Ra'iisul wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, ayaa isbarbardhig uu ku sameeyay gobolka koonfurta Hindiya ee Kerala iyo Soomaaliya. Hadalka ayaa ka cadhaysiiyay siyaasiyiin gobalkaas u dhashay.

Mr Modi ayaa Axaddii ka sheegay isu soo bax olole doorasho in “heerka dhimashada carruurta qaar ka mid ah qabaa'ilka gobolka Kerala ay ka xun tahay ta Soomaaliya.”

Dadka adeegsada Twitterka ayaa kaga jawaabay astaan ay sameysteen #PoMoneModi, iyadoo wasiirka koobaad ee gobolkaasi, Oommen Cahndy, uu sheegay in hadalka Modi uu yahay mid aan sal laheyn.

Dadka Gobolka ayaa codeyn doona 16ka May.Xisbiga Modi ee (Bharatiya Janata Party – BJP) ayaa isku dayayay inay gobolka wax ka helaan iyadoo sida caadadu aheyd ay xukumi jireen Congreksa ama isbahaysiga xisbiyada bidixda, balse hadalkiisa u dambeeyay ayaa u muuqda mid aan guuleysan.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka heerka ugu sareeya dunida kaga jira nafaqo darrada iyo dhimashada carruurta, halka gobolka Kerala uu dhimashada caruurta ugu yar yahay dalka Hindiya.

Mr Chandy, wasiirka koobaad ee gobolka Kerala ee Hindiya, ayaa Salaadadii warqad u qoray Mr Modi Modi, waxa uuna ka dalbaday inuu raaligelin ka bixiyo hadalkiisa.

"Waxaad sheegtay hadal aan xaqiiq aheyn adigoo Kerala barbardhigay Soomaaliya. Tani waa wax aan u wanaagsaneyn ra'iisul wasaare waxayna abuurtay dhib badan" ayuu qoray Chandy.

Arintan ayaa Arbacadii noqotay mid ka mid ah mowduucyada Twitterka looga hadlayay iyadoo dadku ay adeegsanayeen kartoono iyo hadalo kale oo ay ku muujinayeen caradooda.