Maxkamadda Hargeysa Oo Xukuno Ku Riday Rag Dad Tahriibinayay

0
494

Hargeysa(Geeska)-Maxkamadda Degmada Hargeysa, ayaa xukunno iyo ganaax kala duwan ku riday afar nin oo lagu helay dambiyo ah inay dad tahriibinayeen.

download

Guddoomiyaha Maxkamada Degmada Hargeysa Cabdirashiid Maxamed Xirsi (Beer-geel) oo xukunkan ku dhawaaqay ayaa sheegay in Cabdillaahi Cabdi iyo Daahir oo ahaa mulkiilayaal gawaadhi Noha ah lagu qabtay  in ay ka ganacsadeen tahriibinta dadka, isla markaana Maxkamaddu ku xukuntay midkiiba hal sanno iyo saddex milyan oo lacagta Somaliland ah.

Garsoore Beer-geel waxa kale oo uu sheegay in laba darawal oo gawaadhidan waday, isla markaana dalka soo geliyey 47 tahriibayaal Itoobiya ka soo jeeda lagu xukumay midkiiba lix bilood iyo hal milyan.

Labada darawal ee baabuurta waday ayaa xukunka lagu riday iyo magacyadoodu waxay kala yihiin:

1. Khadar Mahdi Maxamed ina Yusur Faarax Da’diisu 23 jir tahay, watay/Noha-No 66608.

2. Cadnaan Maxamed Jaamac Ina aamina Cabdi Da’diisu tahay 30 jir, watay Noha-No 50508, kuwaasoo ku gefay Xeerka Socdaalka 72 ee soo baxay 27/11/1995, qodobadiisa 17aad, 30aad, 37aad farqadaha K-T-D.

3. Waxa lagu xukumay dambiilayashaa mid kasta lix bilood (6) oo xadhig ah iyo ganaax lacageed oo dhan hal milyan (1,000,000 Sh. Sl) oo wada socda.

4. Xukunkan waxa loo cuskaday xeerka socdaalka 72 ee 27/11/1995 qodobadiisa 37aad, 30aad iyo 17aad farqadihiisa K.T.D iyo 70-71-72-74-75-80-81-101-103-104-108-119-120-121-149-68-172 ee Xeerka Habka Ciqaabta.

5. Xadhigu waxa uu uga bilaabmayaa maalinta la soo xidhay oo ahayd 23/04/2016.

6. Xukunkan waxa lagu dhawaaqay maanta 11/5/2016,” ayaa lagu yidhi xukunka Maxkamaddu soo saartay oo uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha Maxkamada Degmada Hargeysa Cabdirashiid Maxamed Xirsi (Beer-geel).