Kenya Oo Xidhaysa Xerada Qaxoontiga Ee Dhadhaab

0
549

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa sheegay in xeryaha ku yaal waqooyi bari Kenya ay isku qariyaan maleeshiyaadka Al-shabaab ayna ka sameystaan ganacsiyo sharci darra ah.

DDDDD

Wasiirku waxa uu sidoo kale ku eedeeyay bulshada caalamku in ay ku guuldaraysteen inay kaalmo dhaqaale bixiyaan iyo in ay ballanqaadyadooda oofiyaan.

Dowladda Kenya ayaa 10 milyan oo doolar u qorshaysay hannaanka dib u celinta qaxootiga kaasi oo bilowday Nofeembartii la soo dhaafay.

Waxaa horay u jiray heshiis saddex geesood ah oo ay wada gaadheen Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR.

Heshiiska ayaa dhigaya in aanan cidna xoog dib loogu celin karin Soomaaliya.

Tan iyo markaana ilaa iyo 10 kun oo qaxooti ah ayaa iskood dalka Somaliya ugu laabtay halka 50 kun oo qof oo kale la qorshaynayay in sanadkan ay laabtaan.