Raysalwasaaraha Dawladda Somaliya Oo Sheegay Inay Dib U Bilaabmayaan Wada Hadaladii U Dhexeeyay Somaliland Iyo Somaliya

0
712

 

Muqdisho(Geeska)-Raysalwasaaraha dawladda Somaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa sheegay inay dib u bilaabmayaan wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya u dhexeeyay.

Cabdi Faarax Shirdoon, oo shalay hadal ka jeediyay fadhi uu yeeshay Baarlamaanka Somaliya, wuxuu sheegay inay dawladiisu wada hadaladaas ka rajaynayso inay dib u soo noqoto wax uu ugu yeedhay midnimadii Somaliya. “Waxaanu wakhtiga haboon oo ugu degdegsiiyaha badan bilaabi doonaa wada hadalkii Somaliland iyo anaga noo dhexeeyay, isagana waxaan rajaynayaa waxaanu ka filayno iyo Somaliya mid ah inaanu ka gaadhno, waanay muuqaataa saansaantii.” Ayuu yidhi Mr. Shirdoon.

Wargeyska Geeska Afrika ayaa toddobaadkii hore baahiyay inay dawladda Ingiriisku qorshaynayso inuu bilaabmo wejiga labaad ee wada hadalka Somaliland iyo Somaliya, waxaana habeen hore magaalada London ee dalka Ingiriiska gaadhay wasiirka arrimaha dibadda Somaliya ahna raysalwasaare xigeen Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan. Waxa kale oo isna magaalada London ku sugan wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Cabdillaahi Cumar. Si rasmi ah looma hubo in safarka labada wasiir la xidhiidho shirkan iyo in kale, laakiin wasiirka arrimaha dibadda Somaliya ayaa sheegtay inay u gogol xaadhayso Madaxweynaha Somaliya oo la filayo inuu safar ku tago magaalada London ee dalka Ingiriiska.