Hadduu Geelu Hawdka Daaqi Jiray Wakhtigan Hargeysana Baray, Warbixin

0
881

DSC02833Hargasya( Geeska )- Sida aad cinwaanka ku aragtaan waxa magaalada Hargeysa aad ku arkaysaa xaafadaheeda kala duwan Geel tiro badan oo loo soo foof geeyo magaalada gudaheeda, iyada oo laga keenay kaymahii iyo waliba dhulkii caanka ku ahaa Geel dhaqashadiisa.

Waxa uu wargayska Geeska Afrika kula kulmay mid kamid ah xaafadaha magaalada Hargeysa Cabdilaahi Muxumed Ducaale oo da’diisu ay afartaneeyo tahay oo la jooga ku dhawaad soddaneeye Geel ah, waxaanu wargaysku la yeeshay xooga xog waraysi ah, maaha ninkan oo kaliyaata ee magaaalada Hargaysa xaafadaheeda wakhtigan waxa daaq loo keena Geel tiro badan.

Cabdilaahi Muxumed Ducaale waxa uu wargayska u sheegay in Geela wakhtigani uu yahay mid yaab badan,   waxa uu tilmaamay in uu reer magaaloobay,daaqiisana waxa uu ku sheegay Tiinka,Ciinka,Garan-waaga iyo waxii kale ee uu kolba helo. Waxa uu si gaar ah u tilmaamay in manaafacaadkiisu uu badan yahay oo caanahiisa magaalada lagu iibiyo, isaga oo aad u shilisna wakhtiyada qaar la iibiyo.

Waxa kaliyaata oo uu dhibka Geelan ku sheegay in ay caruurta iyo haweenka qaar ay shiidaan iyaga oo qaarkoodna ciyaar ka dhiganaaya qaarna u diidan inuu ka daaqo tiinka iyo ciinka.

Ugu horayntii waxaanu su’aal kooban Cabdilaahi Muxumed Ducaale ka weydiinay geelani waxa uu daaq ka dhigto, waxaanu ku jawaabay sidan “ Magaalada daaqeedu waa uu farobadan yahay Ciin helyaa,Tiin helayaa, garan’waa cunyaa waa food saar dabo saar loo rogay, ayay hablahii hore odhan jireen,  Geelu barigii hore waxa uu cuni jiray Dareen, Dixi, Galool, Bilcil iyo dhir kale oo badan, hadana dhankan ayaaba loo rogay oo waaba ridii baladiga ahayd oo kale, cadkiisii iyo caanahiisiiba waxay joogaan magaaladii oo waaba nasri Alle dadka u soo rogay.” Waxa uu yidhi isaga oo hadalkiisa sii wata sidan “ Barigii hore Geelu waxa uu ahaa tulud jeeni kama go’o, imika dhaadsan( Caagad )  ayaaba caanahiisii lagu qaadayaa  waana lacag oo waxaad u iibinaysaa koob koob, laakiin  sidaan qabo Geelii barigii hore magac mooyaane manaafacaad muu lahayn oo raga ayuun baa kuna dhiman jiray kuna darxumoon jiray, ninka tobanka adhiya leh ayuun baana la odahn jiray geel ku soo milxi,ku soo dhibee, inanka kabo u keen, imika miyaa qaar baaba ka iibsaday gawaadhi cad cad, waana xigmad alle oo anigu geelan imika magaalada jooga waaban ku istareexaa oo Geelii hore ka kurus waawayn,ka manaafacaad badan oo ka xigmad badan waayo waabu iska soo caraabayaa oo waa reer magaal.”

Ninkan oo aan su’aalnay bal waxa uu ku tilaami lahaa dhibta geelan magaalada daaqaya waxa uu yidhi “ Ciyaalkii magaalada iyo gabadhii aan fariida ahaynba waanu is haysanaa, ciyaalkii geelaas bartay ku arkaanba waa ay ku shiidaan, dumarka qaarna waxaabay ku odhanayaa tiinkayga iyo ciinkayga ayaanu taaban iyo yaanu hortayda ku Saaloon,markaas qolyahaas waanu isla dhibanahayba oo arkiba maayaan cadka iyo caanaha ay subax walaba ka cunaan.”

Ninkan Geeljiraha ahi waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanday  “ Waxaan ku soo gunaadayaa in dadkaas la wacyi galiyo oo la yidhaahdo xoolaha daaya, waxii miyiga inaga joogana reer iyo neef haloo keeno , waayo reerahii duruuftu ku yara adkayd ee maalina helaayay maalina qadaayay markuu hal dhashay helo caagada ayuun buu ku shuban oo kontan ku dhawaad ayaaba laga dhiibayaa, hbeenkiina caruurtaabad u maalaysaa, oo reerku waaba uu dhaashan yahay, Geelan magaalada joogan wax ka caano weyn mabaan arkin  oo waxaabad moodaa inuu ceel dhamaan ka soo cabay.”