Maxaa Sababay In Madaxweynaha Dhuumasho Madaarka Lagaga Qaado?

0
621

Hargeysa(Geeska)-Cabsi aan la shaacin sababta keentay balse ay dad badani aaminsanyihiin inay salka ku hayso dibad bax la aaminsanaa inay soo abaabulaan ganacstada lagu burburiyay hawlgalka dawladda hoose inay kala hortagaan Madaxweynaha, ayaa sababay inuu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo  si dhuumasho ah ku soo dhex maro jidadka caasimadda oo ay dadweyne tiro badani u taagnaayeen soo dhawayntiisa.

Qaar ka mid ah gacan yarayaasha Madaxweynaha, ayaa sida la sheegay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo saaray baabuur aan ahayn kuwa Madaxweynaha loogu tallo galay iyadoo kuwiisiina ay madaarka joogeen, waxaana si qarsoodi ah loo soo mariyay jidadkii ay shacabku ku sugayeen. Waxase ay dad badani ka war heleen in Madaxweynihii madaarka ka soo dhaqaaqay ka dib markii uu baabuurtaas kaga degay cisbitaalka guud ee Hargeysa hortiisa, halkaas oo uu lug kaga tagay xarunta Madaxtooyada. Masuuliyiinta xukuumadu si rasmi ah uma sheegin sababta keentay qorshahan, waxase ay dadka qaarkii sheegeen inay la xidhiidhay arrimaha ammaanka, laakiin dad badan ayaa aaminsan inay la xidhiidhay cabsida laga qabay in dibad bax ay ganacsato soo abaabushay lagu qaabilo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.

Waa markii u horaysay ee Madaxweyne Somaliland hoggaamiya qorshe noocan ah lagu soo dhex mariyo caasimadda Hargeysa oo ay dad tiro badani jidadka u taagnaayeen soo dhawayntiisa.