Raxmadii Alle Ee Gu’ga Oo Shalay Ka Curatay Boorama

0
708

Picture6Hargeysa(Geeska):-Roobabkii Gu’ga ayaa shalay ka curtay gobalada galbeedka Somaliland, gaar ahaan xarunta gobolka Awdal ee magaalada Boorama , waxaana roobkan oo ahaa mid si weyn loogu diirsaday uu da’ayay muddo saacado ah, kaas oo aan lahayn onkod iyo wax dabaylo ah.

Roobkan ka da’ay magaalada Boorama ayaa bilow wanaagsan u ah waqtigii ay da’i jireen roobabka Gu’ga oo maalmihii u danbeeyay ay dadweynuha reer Somaliland si xooga u saadaalinayeen, maadaama ay abaaro aad u baahsan iyo biyo yaraan xoogani ay muddooyinkii danbe ka taagnayd guud ahaanba deegaanada Somaliland.

Waxaana muddooyinkii danbe, deegaano badan oo ku teedsan dhinaca Koonfurta iyo bariga Somaliland si xooga uga soo yeedhaysay qaylo-dhaan biyo la’aaneed iyada oo sida oo kalena ay ka jirtay deegaanadaas abaaro aad u baahsan oo sababay in ay xoolahii deegaanadaasi ay daaq la’aan u fadhiisteen.

Ugu danbayntii roobkan ka curtay magaalada Boorama, ayaa ahaa kii ugu horeeyey ee curashada roobabka la filaayey wakhtiga Gu’ga, waxaana maal mahii ugu danbeeyey magaalada Hargeysa si xooga looga dareemayey kulayl aad u badan, kaasi oo saadaal u noqon kara in maal maha soo socda uu roob ka da’o magaalada Hargeysa iyo deegaanada hoos yimaada.