“Madaxda Somaliya Ajaanib Ayaa Ilaaliya, Somaliland Waxay Cagta Saartay Dhabihii Dawladnimo”

0
673

Picture4Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Yuusuf Axmed, ayaa jawaab ka bixiyey hadalo ka soo yeedhay hadalo ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha dibada Somaliya, oo sheegay in markii ay Somaliland iyo Somaliya isku biirayeen ay kala saxeexdeen heshiis iyo cahdi, waxaanu tilmaamay in hadalkaasi uu xaqiiqada ka fog yahay, isla markaana waxa la kala saxeexday aanu jirin, Somaliland iyo Somaliyana ay ku wada joogeen sharci daro.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Cali Yuusuf Axmed, ayaa isaga oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay tilmaamay inay Somaliland nidaamkii iyo dhabihi dawladnimada raacday, oo shuruudihii looga baahnaa fulisay, halka Somaliyana aanu nidaam iyo kala dambayni aanay ka jirin, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay “Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliya hadalada ka soo yeedhay xaqiiqada wey ka fog yihiin, waxa uu sheegay in markii ay Somaliland iyo Somaliya isku biirayeen inay heshiis iyo cahdi kala qorteen, waana waxba kama jiraan, inuu dadka khaldana maaha, wax heshiis iyo cahdiya oo la kala qortay ma jirto, waxa jirtay in markii ay Somaliland qaadatay xornimada 26/6/1960-kii, Somaliyana ay qaadatay 1/7/1960-kii, in markii labada dalka isku tageen in Somaliland u gudubaysay Somaliya cahdi, cahdigaas may saxeexin, iyaguna sidaas si leeg ayey cahdi inoo soo gudbiyeen, inaguna maynu saxeexin, markaas meel ay ku caddahay inay labada dal is raaceen ma jiro.

Dhinaca kale waxa  jiray inqilaabkii fashilmay ee uu hogaaminaayey Xasan Kayd ALLE ha u naxariiste,taas oo dhalinyaro badan oo Jaamacado ka soo baxay la xidhay, oo markaas Dawladdii Somaliya ku eedaysay khiyaano Qaran, kadib waxa u dooday Looyaro Ingiriiska ah, waxaana Looyaradaasi ay soo bandhigeen in aanu jirin wax la yidhaahdo Khiyaano Qaran oo dhalinyaradaasi waday, isaga oo sheegay in aanu jirin Wadan ay ka wadaan khiyaanada Qaran, ma Somalyia ayey ka wadaan mise Somaliland”.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada isaga oo sii wada qodoba caddeynaya in aanay Somaliland iyo Somaliya aanay jirin sharciyo caddeeynaya in aanay isku biirin ayaa yidhi “Waxa jiray Afti laga qaaday Somaliland iyo Somaliya, aftidaas oo dulucdiisu ay ahayd inay kala go’aan labada dal, Somaliland dad aad u tiro yar ayaa aftidaas galay, waxaana 67% ku codayeen inay ka go’aan Somaliya, halka Wala-weyn oo ay ku noolayeen 5000-kun oo qof ay yidhaahdeen waxa ka coddeeyey 99-kun oo qof, Aadan Yabaal oo iyana ku noolayaan tiro aad u yar ayey yidhaahdeen waxa ka coddeeyey dad aad u tiro badan, iyada oo mar afti laga qaaday Somaliya wakhtigii Talyaanigu joogay ay ka coddeeyeen Shan boqol oo kun, ayey yidhaahdeen markii dambe waxa ka coddeeyey Hal Malyan iyo badh, wax suurtagal ahna may ahayn.

Dastuurka waxa ku yaalay mindimada shantii Somaliyeed, markaas anigu waxa cad in Sodonkaas Sanno ee Somaliland iyo Somaliya wada joogeen ay sharci daro ku wada joogeen”.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada ayaa mar uu ka hadlaayey dhibaatooyinkii ay Shacabka Somaliland kala kulmeen Somaliya waxa uu yidhi “Dil, Dhac, Xasuuq iyo wax la mid ah ayey Bulshada reer Somaliland kala kulmeen Dawladdii Somaliya, halgan iyo isku duubnaana dheer kadibna xoriyadoodii ayey dib ula soo noqdeen, Maanta markaas waa khalad inay Somaliya ay midnimo dambe inaga doonto, waxaana Bulshada reer Somaliland ugu baaqaya inay midnimadooda, isku duubnidooda is kaashigooda ilaashadan, cadawgoodana meel ay ka wada maraan, aadna u feejinadaan”.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada ayaa mar uu ka hadlayey is barbar dhiga Somaliland iyo Somaliya ayaa  yidhi “Somaliland waa Wadan Nabadgeliyo ka jirto, waxa ka hirgalay nidaam, waxayna raacday dhabihii dawladnimo looga baahnaa, waxa ay buuxisay shuruudihii dawladdeed, waxa ka hirgalay Doorashooyin badan oo Shacabka soo doortaan cidii ay codkooda u gartaan, halka Somaliyana aynu ognahay cida soo doorata Madaxweynaha, iyo in ilaa hadda nidaamkii dawladnimo looga bahnaa  aanay haynin, taas oo Madaxda Somaliya ay ilaaliyaan Ciidamo Ajaanib, ah halka Somaliland aanay ka joogin Ciidan Ajaanib ah”.