HARGEISA (Geeska) –Ra’iisal Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ‘Cirro’ si uu shacabka ugu hambalyeeyo munaasabadda sanad-guurada 35-aad ee dib u la soo noqoshada madax-bannaanida,
Qoraal ay wasaaradda arimaha dibadad Somaliland soo saartay ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay sidoo kale dib u xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Israel.
“Labada hoggaamiye waxay dib u xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga iyo Xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Israel,” ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay Wasarada Arimaha Dibada Somaliland.
Wadahadalka telefoonka ayaa yimid xilli ay Somaliland u dabbaaldegaysay Xuska 18-ka May, oo ah taariikhda ay u dabbaaldegto ku dhawaaqistii goosashadeeda Somaliland ee sanadkii 18 may 1991-kii
Wadahadalkan dhexmaray labada dhinac ayaa yimid ka dib markii dowladda Israel ay si rasmi ah u aqoonsatay madax-bannaanida Somaliland dabayaaqadii sanadkii 2025. Labada hoggaamiye waxay wadahadalkooda ku xaqiijiyeen dhisidda iskaashi iyo xidhiidh diblomaasiyadeed












