HARGEYSA (Geeska) – Waxa isa soo taraya dareen iyo walaac laga qabo in qaar ka mid ah madaxdii uu Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) u magacaabay wasaaradaha iyo hay’adaha dawladdu ay ku mashquuleen muuqaallo madhan oo aan nuxur lahayn.
Masuuliyiintan ayaa u muuqda kuwo si tartiib-tartiib ah uga leexday waajibaadkii dhabta ahaa ee uu Madaxweynuhu u igmaday, iyagoo xoogga saaray dhisidda muuqaallo qurux badan oo ay iska soo duubaan, ka dibna soo geliya baraha bulshada.
Muuqaallada ay madaxda qaranku baahinayaan ma aha kuwo ka tarjumaya waxqabad dhab ah oo ka socda xafiisyadooda ama barnaamijyo horumarineed oo ay soo bandhigayaan. Beddelkeeda, waa muuqaallo shaqsiyadeed oo loo duubay si farshaxannimo leh, balse ah kuwo madhan oo aan xambaarsanayn wax nuxur ah.
Waxa mar kasta baraha bulshada lagu arkaa qaar ka mid ah madaxda dawladda oo soo dhigaya sawirro iyo muuqaallo aad loo soo qurxiyay, iyagoo dhex lugaynaya goobaha ay ka dhacayaan xafladaha ama ku jira safarro aan natiijadooda la garanayn. Su’aalaha is weydiinta mudan ayaa ah: Ma “Show” Iyo Jilaanimo Ayaa La Galay? Mee Isbadalki La Sheegayay?
Haddii aan ka jawaabno su’aalahan, muuqaalladani waxay u eeg yihiin Xeelad lagu qarinayo gaabiska shaqo ee ka jira xafiisyadooda. Dawladnimadu ma aha sawirro iyo clip-yo la isku qurxiyo, mana aha in shacabka lagu maaweeliyo muuqaallo si xirfad leh loo tafatiray oo aan nuxur lahayn. Sidoo kale, waa Waxaynu odhan karna Waa Sheeko lagu qariyo fashilka shaqada ay u hayaan umadda iyo aqoontooda shaqsiyadeed.
Shacabku Ma Indho La’aa?
Bulshada maanta ma aha mid si fudud loogu qancin karo muuqaal iyo hadal kaliya. Dadku waxay arkaan xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta meel walba. Marka xaqiiqadaas la eego, muuqaal kasta oo la baahiyo wuxuu sii kordhinayaa kalsooni-darrada shacabku u qabo masuuliyiinta u haysta in horumarku yahay muuqaal qurxoon.
Ma Waxqabadkii baa noqday “Content Creation”?
Waxa muuqata in waxqabadkii laga sugayay madaxda dawladda loo beddelay wax u eg “Content Creation”, halkaas oo masuuliyiintu ay ku mashquulsan yihiin:
- Goorta ay muuqaal duubi doonaan.
- Sida ay u ekaan doonaan sawirrada iyo muuqaallada ay duubayaan.
- Iyo sida ay uga dhex muuqan doonaan baraha bulshada.
Tani ma aha hoggaan; waa madadaalo siyaasadeed oo aan mustaqbal lahayn. Madaxdii qaranku ma waxay isku rogeen muuqaallo madhan? Ugu dambayn, shacabku ma qiimeyn doonaan inta muuqaal ee la duubay, balse waxay qiimeyn doonaan adeegga dhabta ah ee loo qabtay.












