Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) Ayaa Sir Gavin Williamson U Magacaabay Gudoomiyaha Machadka Aqoonsi Raadinta Somaliland

0
276

Hargeysa(Geeska) Madaxweynaha Jamuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa xalay magaalada Hargeysa ka daahfuray machad cusub oo loogu magac daray “Machadka Madaxbannaanida iyo Aqoonsiga Somaliland”, Machadka ayaa  xoogga saari doono dardar-galinta ololaha aqoonsi raadinta Somaliland iyo u gudbinta qadiyaddeeda caalamka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in machadkan ay hoggaankiisa qaban doonaan shakhsiyaad saaxiibo dhow la ah Somaliland,  Madaxweynahu  waxa  tilmaamay in guddoomiyaha machadka u  magacaabay, xildhibaan Sir William Gavinson, oo kasoo jeeda Ingiriiska, halka ay ku wehelin doonaan xubno kale oo aqoonyahanno, siyaasiyiin iyo taageerayaal caalami ah isugu jira.

“Machadka waxa guddoomiye ka noqonaya saaxiibka Somaliland Sir William Gavinson, waxa ku wehelinaya saaxiibo badan oo Somaliland leedahay, waxaana diyaar u ah in ka badan 2000 oo saaxiibada Somaliland ah,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Waxa uu sheegay in machadkani uu ururin doono taariikhda Somaliland, doodaha sharciyeed ee ay ku doonayso aqoonsiga, iyo marxaladihii kala duwanaa ee halganka gooni isu taageeda. Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in machadka si rasmi ah looga diiwaangeliyay dalka Ingiriiska, si uu ugu hawlgalo heer caalami ah.

Madaxweyne Cirro ayaa xusay in xubnaha machadka ay u badan yihiin macallimiin jaamacadeed, khuburo, xildhibaanno iyo aqoonyahanno ku xeel dheer cilmiga siyaasadda iyo sharciga caalamiga ah, kuwaas oo ka shaqayn doona sidii bulshada caalamka loogu qancin lahaa qadiyadda Somaliland.

Waxa uu tilmaamay in xubnaha machadka ay ka go’an tahay sidii loo xaqiijin lahaa himilada Somaliland ee ku aaddan helitaanka aqoonsi caalami ah, isaga oo machadku noqon doona xarun mideysa doodaha iyo dadaallada aqoonsi raadinta.

Sir Gavin Williamson , madaxa machadka ayaa sheegay in Somaliland ay tusaale u tahay dimuqraadiyadda iyo xasilloonida Geeska Afrika, isaga oo ku tilmaamay “iftiin ka baxaya qaaradda Afrika”. Waxa uu ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay mar kasta isku daydo sidii ay u carqaladayn lahayd horumarka Somaliland, balse waxa uu sheegay ay waxkasta u samayn doonaan sidii Somaliland u guulaysan lahayd.

Waxa uu ugu dambayn bulshada caalamka ugu baaqay in ay si rasmi ah u aqoonsadaan Somaliland, isaga oo sheegay in Israa’iil ay tahay tusaale mudan in lagu daydo oo wadada ay qaaday laga daba qaado.

Sir Gavin Williamson  oo ah  xildhibaan caan ah oo ka tirsan Baarlamaanka dalka Boqortooyada Midowday (UK), wuxuuna hore u soo noqday Xoghayaha Gaashaandhigga (Defense Secretary) iyo Xoghayaha Waxbarashada ee dalkaas. Si kastaba ha ahaatee, awooddiisa siyaasadeed, saamayntiisa, iyo waxa uu caanka ku yahay marka loo eego qaddiyadda dadka Soomaalida ah waxay si gaar ah ugu xidhan yihiin ololeeyaha ugu weyn ee aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland ee fagaarayaasha caalamka.

Saamaynta Iyp Awooda Sir Gavin Williamson   

  1. Saamaynta iyo Ololaha Baarlamaanka UK
  • Xildhibaan Saameyn Leh: Wuxuu xubin firfircoon ka yahay Baarlamaanka UK. Wuxuu si joogto ah hordhigaa aqalka baarlamaanka mooshino iyo doodo ku saabsan in UK ay noqoto dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada Somaliland.
  • Guddiga APPG: Wuxuu hoggaamiye (Co-chair) ka yahay guddiga baarlamaanka UK u qaabilsan arrimaha Somaliland (All-Party Parliamentary Group), kaas oo diyaariya warbixinnada lagu riixayo xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labada dhina
  1. Xidhiidhka Caalamiga ah iyo Isbahaysiyada
  • Cilaaqaadka Mareykanka: Sir Gavin Williamson wuxuu xidhiidh dhow la leeyahay xubno saameyn ku leh maamulka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Wuxuu sheegay inuu kala hadlay sidii Mareykanku u aqoonsan lahaa madax-bannaanida Somaliland.
  • Baaqyada Caalamiga ah: Wuxuu si fagaare ah u bogaadiyay iskaashiga ama go’aamada dawladaha kale sida Israa’iil ay ku taageerayaan qaddiyadda Somaliland, isagoo ku baaqay in beesha caalamku ay ku dayato
  1. Taageerada iyo Booqashooyinka Somaliland 
  • Booqashooyinka Joogtada ah: Wuxuu si joogto ah u booqdaa magaalada Hargeisa, isagoo ka qaybgala munaasibadaha qaranka sida xuska 18-ka May. Wuxuu khudbado dhiirigelin ah u jeediyaa bulshada, jaamacaddaha, iyo madaxda dalka.
  • Xidhiidhka Shacabka: Shacabka Somaliland dhexdiisa wuxuu ku leeyahay sumcad weyn, waxaana loo yaqaannaa “Saaxiibka Weyn ee Somaliland” maadaama uu si iskiis ah saaxiibtinimo iyo olole ugu bilaabay dalka
  1. Naqdiga Dawladda Federaalka Soomaaliya 
  • Mowqifka Adag: Sir Gavin Williamson wuxuu si xooggan u naqdiyaa dawladda federaalka ah ee fadhideedu yahay Mugdisho. Wuxuu ku sifeeyaa maamul daciif ah oo aan xataa xakamayn karin caasimadda, wuxuuna ku baaqayaa in la joojiyo caqabadaha la hordhigayo horumarka Somaliland.