Raggii Ku Afduubnaa Buhodle Oo Ay Dablaydii Haysatay Ku Wareejisay Gacanta Odayaashooda

0
514

 

 

Picture4Hargeysa (Geeska)-Afar dhalinyaro ah oo arday ah oo todobaadkii hore ay koox dabley  reer Buuhoodle ahi afduubeen, ayaa shalay la sii daayay ka dib markii waxgaradka Buuhoodle ay dedaal weyn u galeen sii dayntooda.

 

Afhayeenka Beesha Qorilugud Eng. Maxamed Cawil Sii Arag oo ku sugan magaalada Qorilugud oo xalay khadka Telefoonka ugu waramayay shabakada wararka ee Somaliland.Org, ayaa ka hadlay qaabka loo sii daayay afartan dhaliyarada ah. Waxanu yidhi “Kooxdii afduubtay afartan wiil waxay maanta ( Shalay ) 2:00 duhurnimo ku wareejiyeen waxgaradka beeshooda Cali Naaleeye afartii wiil oo caafimaad qaba. Odayaashii beesha kooxda wiilashan afduubtayna waxay afartii galabnimo inamadii ku soo wareejiyeen waxgaradka Buuhoodle ee dedaalka ugu jiray sii dayntooda,”ayuu yidhi Maxamed Cawil Sii Arag.

Maxamed Cawil oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Afartii wiil aad iyo aad ayay xaaladooda caafimaad u wanaagsan tahay, imikana waxay ku sugan yihiin magaalada Buuhoodle, waanay nala soo xidhiidheen markaa waxaanu isla garanay waxgaradka reer Buuhoodle inay caawa ( Xalay ) halkaasi iska joogaan bari subaxna la soo kaxeeyo. Markaa sidaasi ayay hawshaasi u dhammaatay.Waxaanu u mahad celinaynaa waxgaradkii ka damqaday ee ka hawl galay sidii afartan dhalinyarada ah ee ardayda ah loo sii dayn lahaa. Waanan ku ammaanayaa siday u hawl galeen,”

Dhalinyaradan oo ka ugu da’ weyni yahay shan iyo toban jir ayaa bil iyo badh ka hor ka tagay Magaaladda Burco oo ka dhigan jireen dugsiga hoose dhexe, waxaanay fasixii u caano doonteen jiida u dhaxaysa Buuhoodle iyo Qori-lugud.

Dhalinyaradan ayaa magacyoodu kala yihiin Cabadikariim Saleebaan Aadan, Maxamed Axmed Caydiid iyo Jaamac Xasan Caydiid iyo wiilka afraad oo magaciisa lagu sheegay Ina Ducaale Yuusuf.waxaanay wax ka bartaan dugsiga Hoose/dhexe ee Qaadi Maxamuud ee Magaalada Burco.