Ku-simihii Meles Zenawi Oo Si Rasmi Ah Loogu Caleemo Saaray Raysalwasaraha Dalka

0
591

 

Picture5Addis Ababa(Geeska)-Mr. Haylamaryam Dessalegn oo ahaa Ku simihii Raysalwasaaraha Itoobiya ee geeriyooday Meles Zenawi oo toddobaadkan geeriyooday, ayaa la filayaa in maanta si rasmi ah loogu dhaariyo xilka Raysalwasaarahah Itoobiya. Masuulkan cusubi wuxuu hore u ahaa ku xigeenka raysalwasaaraha iyo weliba wasiirka arrimaha dibadda.

 

Mr. Haylamaryam oo markii ay geeridu timid ku sime ahaan xilkaas loogu dhiibay, ayaa waxa ay shalay xisbiga talada haya ee EPRDF si rasmi ah isugu raaceen inuu noqdo Raysalwasaare tan iyo inta ay mudadii xil hayneed ee Meles Zenawi dhammaanayso taas oo ku eeg sannadka 2015, waxaana maanta fadhi aan caadi ahayn isugu imanaya Baarlamaanka Itoobiya si ay u ansixiyeen raysalwasaaraha cusub, ka dibna loo dhaariyo. “Wuxuu noqon doonaa raysalwasaaraha ilaa sannadka 2015, waana loo dhaarinayaa waxaanu dhammaysanaya teeramkii shanta sanno ahaa.” Sidaas waxa yidhi masuulka Itoobiya u qaabilsan warfaafinta Mr. Bereket Simon oo shalay saxaafadda la hadlay.

Geesta kale, Mr. Haylamaryam oo saxaafadda la hadlay markii habeen hore maydka Raysalwasaarihii hore la keenay Addis Ababa, ayaa wuxuu dalalka jaarka ah ugu baaqay inay xoojiyaan ammaanka xuduudka ay Itoobiya la wadaagaan si aan looga faa’iidaysan in ammaanka khalkhal la geliyo wakhtiga lagu jiro xaaladda kala guurka ah.