“Ragga Leh Madaxweynaha Waan Ogolahay, KULMIYE-na Waan Ridayaa, Waxaan Leeyahay Maaha Wax Soconaya” Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan

0
570

Hargeysa(Geeska)-Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan Xasan oo ka mid ah madaxda dhaqanka ee Somaliland, ayaa Madaxweyne Siilaanyo u soo jeediyay inuu fiiro gaar ah u yeesho rag uu sheegay inay taageersanyihiin siyaasadiisa balse ay ka soo horjeedaan murashixiinta xisbiga KULMIYE doortay.

1

Suldaan Saleban, oo waraysi gaar ah siiyay weriye Muniir Axmed Cigaal oo ka tirsan telefishanka qaranka iyo bahda Somalilandtoday Media, wuxuu sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu arko Madaxweyne Siilaanyo oo uu muddo taageeri jiray oo hirgeliyay horumar, “Waan ku faraxsanahay isbedelka uu KULMIYE sameeyay, waxaanan ka mid ahaa dadkii taageeri jiray KULMIYE, waxaanan dareensanaa oo dhab ahayd madaxweynuhu maadaama oo uu halgan dheer ku suntanaa inuu yahay ninka keliya ee  a midho dhallin kara halgankaas la soo galay, sababtaas ayaan u taageerayay, haddana weli horumarkiina wuu socdaa oo haddana rag kale oo halkaas ka sii dhaqaajin kara ayaa jidka ku soo jira, markaas sidaas ayaan u taageersanaa, waanan ka filayay horumarkaas.” ayuu yidhi Suldaanku.

Suldaanka oo ka jawaabayay inuu isu arko salaadiinta sida guulwadaynta ah u taageera Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadda, wuxuu yidhi  “Horta kelmada Guul-wade dadku cabsi ayay ka qaadeen xilligii Siyaad Barre, laakiin kelmadu waa nin guul wada oo ma xuma oo waa nin wanaag wada, markaas anigu guul wade ma ihi laakiin in dawladda wanaaga iyo horumarka lagala shaqeeyaa guulwade maaha ee waa wadaninimo iyo wax tar, anuu waxaan ka mid ahay salaadiinta ku qanacsan hoggaaminta madaxweynaha, in wixii khalad ah ee jirana looga nasteexeeyo ceeb maaha, wanaag in lagu garab galaana guulwadenimo maaha, markaas waxaan ka mid ahay salaadiinta wixii xumaana ee ay dareemaan ula taga, wixii wanaaga ee ka muuqdana soo dhaweeya, taasuna haddii aynu wada qaadan lahayn waxba inagama xumaadeen oo dalkeenu waa horumari lahaa. Anigu nidaamkaas ayaan ku shaqeeyaa, waxaanan isleeyahay ceeb maaha.”

Suldaan Saleban, wuxuu Madaxweyne Siilaanyo ku bogaadiyay tanaasulka uu ka tanaasulay teeramkiisii labaad, “Waan ku hambalaynayaa madaxweynaha in iyadoo uu teeramkiisii labaad  ay u hadhsanyihiin uu bixiyo oo uu tanaasulo, waanay ku yartahay afrikaanka guud ahaanba inay tanaasulaan oo ay dhisaan murashax kale oo walaalkii ah. Markaas madaxweynaha aad baan ugu bogaadinayaa waana arrin taariikhda geli doonta.” ayuu yidhi.

Wuxuu Suldaan Saleban difaacay doorashadii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ku doortay murashaxa madaxweynaha iyo madaxweyne-xigeenka, waxaanu yidhi “Marka labaad xisbiga doorashadiisii la isma qasbin ee tartan ayaa la galay, dad damac lihina xisbiga waa ku wada jireen, mana jirin cid loo diiday damacooda, guddoomiyaha xisbiguna ragga damaca lahaa ayuu ka mid ahaa, markaas madaxweynuhu saaxadaas uu u baneeyay ragga dhallinyarada ah ee damaca lahaa tartankii ka dhacay ee uu madaxweynuhu goob jooga ka ahaa ee murashaxa xisbiga loogu doortay Muuse Biixi waxay ahayd arrin saxa oo furan, dadna way saluugeen laakiin sida saxa ahi waxay ahayd rag baa tartamay oo dimuqraadiyad ayaa lagu kala helay, waana jidkii madaxweynuhu ugu tallo galay. Markaas waxaan u arkaa inay ahayd arrin fiican, aadna waan ugu faraxsanahay.”

Suldaanka oo hadalkiisa sii watana kana hadlaya rag uu sheegay inay Madaxweynaha iyo dawladda taageersanyihin balse ay ka soo horjeedaan murashixiitna xisbiga uu yidhi “Wax in badan dhacda oo aan maqlaa iyadoo mdaxweynaha saxaafadda lagaga Siilaanyo iyo dawladana waan taageersanahay, xisbigana waan ka soo horjeedaa iyo murashixiinta; waxaanan leeyahay madaxweyne ragga leh  murashaxnimada xisbiga ragga ku guulaystay waan ridayaa, dawladana waan la shaqaynaaynayaa iyo Siilaanyo laakiin murashaxa kuma qanacsanin, kaasi wuxuu la mid yahay nin leh inanankaagana waan necebahay, adigana waan ku soo dhawaynayaa. “

wuxuu intaas sii raaciyay Suldaan Saleban, “Ninka inankaagana necebi adiga kuma jeclaan karo, inankaagana waan dilayaa adigana waan ku jecelahay maaha wax soconaya. Madaxweynaha waxa ka go’an oo uu dhisayaa xisbiga iyo murashaxa xisbiga, markaas ninka aan sidaas kula shaqayn karin ee doonaya inuu KULMIYE-na rido madaxweynahana raaligeliyaa waxaan isleeyahay jidkii saxda ahaa ma hayo, wxaana dhaama ninka is casilay ee xukuumadda ka baxay. Ama xukuumadda haku jiro amah ha ka maqnaado ee wuxuu ninkaasi hayaa waddo khaldan. markaas xisbiga iyo xukuumadu maaha laba la kala qaadi karo oo midna la raaligelin karo midna la ridi karo.”

Ugu dambayn wuxuu Suldaan Saleebaan shacabka Somaliland ugu baaqay inay is diiwaangeliyaan, lana shaqeeyaan dawladda iyo Madaxweyne Siilaanyo oo uu sheegay inuu dalka gaadhsiiyay horumar muuqda.