Shirkadda Somtel Oo Abaal Marintii Ugu Waynayd Sanadka Oo 4 Gaadhi Ah Bixisay

0
580

Hargeysa(Geeska)-Shirkadda Somtel ayaa xalay Xaflad aan nooceeda hore loo arag Oo aad loo soo agaasimay  kusoo bandhigtay Badhtamaha Suuqa Wayn Ee Magaalada Hargeysa gaar ahaana Wajahada hore Ee Dahabshiil Bank , Xafladdan ayaa Afar gaadhi oo nooca raaxada ah lagu gudoonsiiyay Afartii Guulayste Ee Barnaamijkii Hadal Oo Hel Afar gaadhi iyo Soddon Milyan oo Shilling.

1

Dhinaca kale Shirkadda somtel ayaa Macaamiisheeda usoo bandhigtay Barnaamij Cusub Oo loogu macag daray “ Hadal oo Hel Qalab Guri oo dhamaystiran iyo lixdan Milyan oo shilling” Barnaamijkan Cusub ayaa socondoono Muddo laba bilood ah ama 60 cisho

Hadaba ugu horayn waxa barnaamijyadan Faahfaahin dheerad ah ka bixiyay Madaxa Waaxda Suuqgaynta Shirkadda Somtel Khadar Cabdiraxmaan Cabdilaahi waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “ Ugu horayn waxa aan aad iyo aad ugu mahad celinayaa Dhammaan Macaamiisha Shirkadda Somtel iyo Guud ahaanba Dahabshiil Group sidii wanaagsanayd ee ay uga Qayb qaateen Barnaamijkan Hadal oo Hel Afar Gaadhi iyo Soddon Milyan oo caawa aynu u fadhino xafladdii Gudoonsiinta Guulaystayaasha Afarta Gaadhi Oo Gaadhiga Koobaad uu ku Guulaystay Macmiil Daggan Magaalada Laascaanood oo Magaceeda la yidhaa Aamina Saleebaan Xaashi, Gaadhiga labaadna waxa ku Guulaystay Macmiil Daggan Magaalada Hargeysa Oo Magaciisa la yidhaa Ibraahim Ismaaciil, Gaadhiga Saddexaadna waxa ku Guulaystay Macmiil Daggan Magaalada Borama oo Magaciisa la yidhaa Raage, Gaadhiga Afraadna waxa ku Guulaystay Macmiil Daggan Magaalada Ceerigaabo Oo magaciisa la yidhaa Yuusuf Saalax Jaamac,  Sidaas darteeda waxa ay caawa shirkadda somtel halkan ku Gudoonsiindoontaa Guulaystayaashaas Afartii Gaadhi Ee Shirkaddu ugu talagashay.

Dhinaca Kale Shirkadda Somtel waxa ay Macaamiisheeda usoo bandhigtay Barnaamij Cusub Oo  la magac Baxay “ Hadal Oo Hel Qalab Guri oo dhamaystiran iyo Lixdan Milyan Oo Shilling “ Barnaamijkan waxa uu ka koobanyay Agabka Guriga la dhigo sida Sariirta Hurdada, Fadhiga, Miiska iyo Kuraasta Cuntada Shirkadda Somtel waxa ay ugu talagashay Barnaamijkan in ay ku Dhiiri galiso Dhinaca Guurka Dhalinyarada iyo Waliba in Qoysaskii hore u jiray laftooduba ay helaan Qalab Guri oo Cusub Barnaamijkan Abaalmarinta ahi waxa uu socondoonaa 60 Cisho waxaanay shirkadda somtel Qalabayndoontaa Mudadaas ilaa 18 Guri waxa barbar socota oo shirkaddu bixindoontaa 60 Milyan oo Shilling, Hadaba Macmiil hadii aad rabto in aad lixdanka Milyan ka Qayb qaadato ama ku Guulaysato ku shubo Kaadhkaaga Somtel Ugu yaraan $0.25 Cents sida oo kale hadii aad rabto in aad ka qayb qaadato Fursadaha Qalabka Guri ee dhamayska tiran ku shubo ugu yaraan $0.5 isla markaan hubi in aad leedahay Adeegga E.Dahab.

Intaas kadib waxa Madashaa ka hadlay Gudoomiyaha Shirkadda Somtel Ee Gobolka Sanaag Iimaan Hirad Faarax iyo Madaxa Waaxda Ganacsiga Maxamed Rooble oo Macaamiisha Shirkadda Somtel u cadeeyay in shirkaddu ay dhex u tahay Macaamiisheeda isla markaana Qofkii uu Serverka shirkaddu soo xulo uu guulaysandoono inta aan guulaysanina ay marar kale oo badan Guulaysandoonaan Shirkadda Somtel na ay sii wadi doonto Abaalmarinaha Noocan ah.

Dhinaca kale Guulayste ka mida Guulaystayaasha Afarta Gaadhi oo Magaciisa la yidhaa Raage Ciise Cumar kana socday Magaalada Boorama ayaa Dareenkiisa cabiray isla markaana sheegay in uu aad iyo aad ugu faraxsanayay abaalmarintan shirkadda somtel siisay oo ah Gaadhi nooca raaxada ah waxa aanu sheegay in haba yaraatee aanu marna meesha soo dhigan ama aanu ku fikirin in uu helidoono Gaadhigaas Quruxda badan waxaanu cadeeyay markii uu lacagta ku shubtay kaadhkiisa somtel in aanu niyadaba ku hayn aad wax heshid balse uu iskii ugu muraadsaday lacagtii uu ku shubtay numberkiisa somtel waxaanu raage sheegay in uu diyaar u yahay isla markaana xiisaynaayo in uu marlabaadna u tartamo Qalabkan Guriga Ee dhamayska tiran dhalinyaradana waxa uu ku booriyay in ay Guursadaan Maadama somtel ay ugu deeqidoonto Agabkii Guriga oo isku dhan.

Ugu dambayn waxa Halkaas ka hadlay Masuul Sare oo ka socday Shirkadda Dahabshiil Group Cawil Salaax Cabdi Oo aad iyo aad ugu mahad celiyay Macaamiisha Shirkadda sida oo kalana u balan qaaday Macamiisha in ay ka shirkad ahaan Barnaamijyo badan oo wax tar iyo faa’idaba u leh bulshada ay usoo wadaan, horana ay ugu keeneen adeegyo Casri oo Dunida ku cusub Sida Adeegga 4G  iyo LIVE COVERAGE oo shirkadda somtel markii u horaysay keentay Geeska Afrika Gaar ahaana Somaliland.