Ragga Dalka Vietnam Oo Looga Baqayo Guur La’aan Kadib Markii Dalkooda Ay Dumar Yaraani Ka Dhacday

0
585

Manila (Geeska)- Ragga dalka Vietnam ayaa la sheegay in ay soo food saartay cabsi badan oo ay ka qabaan in ay waayaan dumar ay nolosha qoysnimo la wadaagaan, dumarkii oo dalkooda ku sii yaraanaya darteed. War rasmi ah oo uu mar sii horreysay soo saaray wasaiir ku xigeenkii deegaanka iyo dadka ee dalka Vietnam Bathwai Nguyen ayaa lagu sheegay in tirada wiilasha dhalanaya ee dalkaasi ay kor u kacday.

Waxa uu wasiir ku xigeenku warkiisan uu Geeska Afrika turjumay ku sheegay in inta badan magaalooyinka dalka Vietnam marka la is barbar dhigo ragga iyo dumarka ay noqonayso in 112 kii ninba ay ku soo hagaagayaan 100 dumar ahi, halka deegaannada qaarna ay ka gaadhayso in 130 kii ninba ay ku soo hagaagto 100 dumar ahi. Arrintan oo warwar badan ku beertay dalka Vietnam ayaa la sheegay in ay ku qasabtay xukuumadda dalkaas inay qorshayso istiraatijiyad si adag loogu raadiyo sidii faraqa dhinaca tirada ragga iyo dumarka ah ee dalkaas ka jira loo dhimi lahaa. Waxa aanay dawladdu go'aamisay in qorshaheeda ay ku doonayso dhimista faraqan ay ka bilowdo la dagaalanka iyo xidhista bogagg internet ka ah oo ay aaminsan yihiin in ay faafiyaan maqaallo cilmi ah oo dadka baraya sida ugu habboon ee ay wiilal u dhali karaan ama gabdho u dhali karaan, waalidiin badan oo sida dabiiciga ah wiilal in ay dhalaan jecelina ay ka qaataan talooyinka, waxa sidoo kale ay dawladdu qorshaysay in ay tallaabooyin adag ka qaaddo cisbitaallada iyo rugaha caafimaadka ee haysta qalabka Kombiyuutarka ee lagu garto nooca uu ilmaha uurka ku jiraa yahay dhedig iyo lab, taas oo la aaminsan yahay in ay keento in hooyooyinka dalkaas qaar badan oo ka mid ah marka loo sheego in ilmaha ay sidaan yahay dhedig ay iska soo ridaan sugaanna inta ilmo lab ahi u calool gelayo.