Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Dhaliilo Culus U Jeediyay Golaha Wakiilada Ee Uu Ka Tirsanyahay

0
604

Picture1Hargeysa(Geeska):-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, oo ka mid ah xildhibaanada golaha Wakiilada Somaliland, kana tirsan xisbiga mucaaradka ee Waddani, ayaa  dhaliil u soo jeediyey golaha uu ka tirsan yahay oo uu tilmaamay inay ku jiraan xildhibaano waajibkii Qaranka ka saarnaa ka doorbiday dano gaar ah, waxaana uu ku baaqay in muddadii sannadka ahayd ee uu Komishanku u cayimay Wakiilada wax ka badan haddii ay sii joogan golaha inay dhibi dhacayso, Bulshadana aanay dan u ahayn.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, ayaa isaga oo shalay qaar ka mid ah warbaahinta u waramaya waxa kale oo uu ka hadlay Mooshin ka dhan ah Maayirada dalka oo shalay la hor keenay golaha oo gacan taag lagu diiday, waxaanu tilmaamay in go’aankaas lagu diiday Mooshinkaasi uu ahaa mid khaldan, isaga oo tilmaamay in inta badan Maayirada dalku ay gabeen waajibkoodi, isla markaana wax wada-tashiya aanay la yeelan xildhibaanada la’la soo doortay ee uu ka tirsan yahay, waxaanu xusay in inta badan ay ku xidhan yihiin Madaxtooyada, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu hadalkiisi ku bilaabay .“Horta Qaranka waxa uu qof ku shaqayn lahaa iyo wax Allaale waxa uu Madaxweyne ku shaqayn lahaa waxa Maayir ku shaqayn lahaa, waxa wasiir ku shaqeyn lahaa, cida u igmani ee xaq u leh inay Shuruucda dalka u sameyso golahan weeye, golahani waxa uu iskugu jira Laba, nin shaqadiisi garanaya oo awoodiisa garanaya oo inay umaddu soo dooratay oo uu ka wakiil yahay garanaya, iyo nin awoodiisi bixiyey, oo cid kale siiyey,  labadaas ayuu horta golahani ka kooban yahay.Umadda waxa aan leeyahay oo aan ka codsanayaa in horta haddii golahani wax sannad ka badan sii jiro, dadyoow ma jiraysaan waan idiin sheegaye, muddadaas Komishanku qabtay ee Sannadka ah wax ka badan haddii loo sii kordhiyo umadd-yahay waad baa ba’aysaan, ma jiraysaan waa la idin maal bixinayaa, xaaladiinuna khatar ayey ku sugnaanaysaan.”.

Xldhibaan Siciid Cilmi Rooble,ayaa mar uu ka hadlay maayirada dalka iyo Mooshinkii ka dhanka ahaa ee Shalay la hor keenay Golaha ayaa yidhi:“Anigu waxa aan ahaa guddoomiyaha guddida arrimaha guddaha, xilligii Daahir Riyaale ayey ahayd, markii hore xeerkani waxa uu ahaan jiray hal dheeri, tusaale ahaan Berbera waa 21, kal-fadhiga ay ka fadhisanaysaa waxa ay ahayd 11, haddii uu kal-fadhigu buuxsamo lix ayaa ridi karaysay markii hore, anigu Golihii hore ayaan ka tirsanaa ninkii bedelay qodobkaas ayaan ahaa, waxa aan u bedalaynay, markii Gabiley ay 11 maraysay ee Burco 6 maraysay, ee Berberi afar maraysay ee Qarankani waashay, ayaanu bedelay oo aanu nidhi laba dalool ayaa ridaya, yacni marka ay Berberi 21 tahay 14 ayaa dirayaa, dabadeed arrintina cudur ayey yeelatay, Xildhibaano ayaa taladda dalka, taladdii Xildhibaanada waa laga guuray, Inakii Maayarka ahaa Madaxtooyo ayuu ku xidhmay, Qarankii taladdiisii ama Degmada uu joogay Golihii Deegaanka ee joogay ee uu lala tashan lahaa ee lagu soo noqon lahaa ee taladda la wadaagi lahaa waa laga guuray,taladdii imika golaha deegaanka kuma jirto ee Maayiro gacantooda ayey ku jirtaa, Maayaradiina Golihii Deegaanka kumay celin, Shacabkiina waxa ay u baahan yahay in ninkii la doortay Golaha Deegaanka uu la tashado, marka uu Golaha Deegaanka la tashado, macnaheedu waa Degmadii ayuu la tashaday”.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa mar uu ka hadlaayey qaar ka tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiilada yidhi “Isbedelkanu Qaranka dan ayuu u lahaa, anagu waxba caayi maayo xildhibaanada, laakiin waxa aan sheegaya in taladdoodii iyo awoodii  ay maal bixiyeen,oo awooda aanu yeelan lahayn Walaahi Bilaahi dalkaasi dal ayuu noqon lahaa, haddii 50-xildhibaan ee Sacabka tumaya ay xaggan ahaan lahaayeen, oo edaabtooda fulin lahaayeen, oo Qaranka u shaqayn lahaayeen, Qarankani qaran ayuu noqon lahaa.

Wixii dalka u dan ah waanu keenaynaa, wixii dalka u dan ahna ka hadhi mayno,  wax noo diidaya in aanu beri keenaana ma jirto, Somaliland mid ayaan ugu baaqaya golahani yaanu Sannad ka badsan, Golahani haddii uu Sannad ka badsado waad rogmanaysaa.”.