Rabshadihii London Ka Dhacay Oo U Muuqda Inay Ku Faafayaan Gud Ahaan UK

0
759

London

London(Geeska)- Waddanka Ingiriiska ayay u ahayd saddexdii habeen ee lasoo dhaafay kuwo rabshado hadheyeen, iyadoo wali goobo kamid ah ay ka sii socdaan rabshaduhu. Qulqulatooyinkan  ayaa ka bilaabmay xaafadda Tottenham oo ku taala Magaalada London, kadib markii ay ciidamadda Police- ku toogteen wiil 29 Jir  ah oo  magaciisu ahaa Mark Duggan, ninka ayaa ka soo jeeday qoomiyada madowga, wuxuuna saarna marka la toogtay baabur taxi  ah (MINICAB) Ilaa hadda wax cadayn ah looma hayo inuu isagu Police-ka ku furay rasaas ka hor intii aanay tooganin, waxaana socda baadhis ku saabsan sidii dilku u dhacay.

Dilka wiilkaas ayay Mudaharaad rabshado wata kaga jawabeen dhalinyaradda ku nool xaafadda Tottenham oo u badan dad aan shaqo haysan, Waxay haddaba rabshadii halkaas ka bilaabantay  ku sii fideen habeen hore xaafadaha kale ee magaaladda London. Rabshadahan ayaa ah Kuwo ay hoggaaminayaan dhalinyaradda da´doodu u dhaxayso 16 ilaa 21, ku waas oo cadaan iyo madowba leh. Waxayna ku boobayaan iyagoo koox koox ah tukaamada waaweyn isla markaana waxay gubayaan dhismayaasha, xaafaddaCroydonoo ku taala galbeedka London ayaa  habeen hore khasaare weyn loo gaystay, iyadoo boob lagu sameeyay  Tukaamada waa weyn  sida  Tukaanka caanka ee PC World, sidoo kale magaaladda Birmingham oo ah caasimada labaad ee Britain ayaa iyana boob iyo dhac lagu sameeyay tukaamo ku yaala meesha laga tukamaysto ee loo yaqaan (City Center). Waxaana shalay  booqasho ku tagay magaalada Birmingham si uu indhihiisa ugu arko khasaaraha dhacay Raysal Wasaare Ku-xigeenka Ingiriiska Mr. Nick Clegg.

 Magaloyinka Liverpool, Leeds, Nottingham, Bristol, Manchester, ayaa dhammaantod rabshadahani hadheyeen. Sarkaal ruug cadaa Police ah oo ka tirsan xarunta  New Scotland Yardayaa isagoo la hadlaaya saxaafadda wuxuu u sheegay  Waalidka dhalay caruurtan rabshadahan wadaa qabtaan oo celiyaan ubadkooda,  haddii kale ay  la kulmidoonan cawaaqib xumo aanay ka soo waaqsan, sidoo kale Sarkaalka ugu sareeya ciidamadda Police-ka ee Gobolka West Midlands ayaa sheegay in rabshadahan dadka dhalinyaradda ahi dhigayaan aanay ahayn kuwo cadho keentay, balse ay yihiin kuwo bakhaylnimo ah oo lagu donaayo xoolaha dadka ganacsatada ahi leeyihiin, sidoo kale Police- ku waxay cadeyeen in aanay qorshaha ugu jirin wali inay adeeg sadaan ciidamadda Meleteriga ee waddanka Ingiriiska, ilaa 16000 oo Police ah ayaa xalay lagu daadiyay suuqyada Magaaladda London si ay ammaanka u sugaan. Waxaa xiiso leh in dadka badankiisu rabshadahan ka cadhooden, iyadoo shalay la arkaayay Maayarka Magaalada London, Mr. Boris Johnsonuu kula hadlay goobihii rabshaduhu ka dhaceen boqolaal dad ah oo iskaa wax u qabso u nadiifinaayay khashinkii iyo khasarihii soo gaadhay gobaahas, ku waas oo mujinaayay wadaniyad.

Si kastaba ha ahaate rabshadahan ayaa laga cabsi qabaa inay sii socdaan, iyadoo Raysal Wasaaraha Ingiriisku Mr. David Cameronsoo gaabiyay fasixii uu ku joogay Waddanka Talyaaniga   isagoo galinkii hore ee shalay ku noqday magaaladda London, wuxuuna sheegay inay samaynayaan wax kasta oo suurto gal ka dhigaaya sidii rabshadahan meesha looga saari lahaa. waxaana ilaa hadda loo  xidhay Rabshadahan 565 qof, iyadoo la xukumay 105 kamida.