Maayarka Degmada Kalabaydh Ee Sool Oo Wasiir Xaabsade Ku Eedeeyay Inuu Sharci Daro Kaga Qaaday Xilkii

0
819

xaabsade

 

Hargeysa (Geeska) Maayarka degmada Kala Baydh ee gobolka Sool Mahad Cali Samatar ayaa sifo sharci daro ah ku tilmaamay xil ka qaadis uu sheegay inuu ku sameeyey wasiirka warfaafinta Somaliland Md Axmed Cabdi Xaabsade. 

Maayarka Kala Baydh Mahad Cali Samatar oo xalay la soo xidhiidhay wargayska Geeska Afrika ayaa ugu horayn ka hadlay wasiirka xilka ka qaaday iyo cida uu ku badalay xilkii saddexda masuul, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Ninka wasiirka ah ee Axmed Cabdi Xaabsade, wasiirka ganacsiga iyo nin xildhibaana oo ka soo jeeda beesha gobolka Sool, nimankaas oo gobolka u joogay hawlo shaqo ayaa waayadanba jiray. Markaa shalay waxaa noo yimid saddex wiil oo waraaqo yar yar la soo siiyey, warqadahaas wasaaradda arrimaha gudaha iyo qaabkii maamul iyo sharciga midna ma waafaqsana ee waa mid ka baxsan, markaa wiilaasha wuxuu ku soo magacaabay maayar , maayar ku xigeenk iyo xoghaye. Inamadaas waanu la shirnay oo si fiican ayaanu u soo dhawaynay oo waxaanu ku nidhi nimanyahaw wadanka sharci ayaa ka jira, haddiise uu qorshe cusubi yimid oo aanan jaraa’id iyo idaacad midna ka akhrisna kana dhagaysan in qof kasta oo masuul ahi uu qof kale oo masuul ah xilka ka qaadi karo isaga oo aan sifo sharciya marin. Markaa haddii wasiir Axmed Cabdi Xaabsade sharciga ku xad gudbay oo uu yidhi xilka waxaan ka qaadi karaa nimankaa masuuliyiinta ah ee isaga la midka ah ee xukumada u matala degmada kala baydh ee gobolka Sool, markaa isagana waanu la hadlaynaa oo xilka waanu ka qaadaynaa, mar haddii ay tahay arrin banaan oo hada soo koradhay.” Ayuu yidhi Maayarku.

Maayarka waxaanu waydiinay sifaha iyo sharciga uu u maray xil ka qaadista uu sheegay inuu ku sameeyey wasiirka war faafinta Somaliland, waxaanu yidhi “Waxaan la hadlay la taliyayaashiisii oo waxaan ku idhi ina Xaabsade mar haddii arrintu sidaas tahay waanu soo dhawaynaynaa xil ka qaadista Hotel Xamdi lagu qoray. Markaa waxaanu leenahay mar haddii xil ka qaadistu furantahay oo ninba nink kale  xilka ka qaadi karo, waxaan xilkii ka qaaday wasiir Axmed Cabdi Xaabsade oo waxaan xilkii u magacaabay wasiirka war faafinta inuu ahaado Keyse Cabdi Yuusuf oo ah nin gacan wayn ka gaystay shirka nabada ee Widh Widh, ninkaas oo aan aad ugu han waynahay inuu gobolada bariga maamul wanaaga iyo shaqo wanaag ku samayn karo. Waxaanan xilka kaga qaaday qaabka cusub ee uu noo soo maray isaguba. Arrinta waxaa ila qaba maayar ku xigeenka degmada Jaamac Xasan Dhaamac iyo xoghayaha dawlada hoose Maxamed Cali Hayaan. Ilaa hada ma jiraan masuuliyiin xilkii wareejiyey sababtoo ah waxaan jirin qorshe lagu wareejiyo.

Sidoo kale Mahad Cali Samatar oo ah duqa degmada kala baydh wuxuu intaas ku daray qorshayaal cusub oo wuu sheegay inay ku soo biireen gobolka Sool tan iyo intii ay joogaan guddiga uu hogaaminaayo wasiir Axmed Cabdi Xaabsade, isaga oo arrimaha cusub ka hadlaayana waxa uu yidhi “qodob kale oo isna ku soo biiray siyaasada gobolka Sool oo cusub ayaa jira oo runtii aanu la yaabnay. Qofkii jaamacada ka soo baxay ama aqoon sare lahaa oo aan loo baahan, tusaale ahaan sida badhasaabka gobolka oo laga dhigaayo qof aan waxba qorin waxna akhriyin, waxaana aad moodaa inay guud ahaan is badashay siyaasadii gobolka oodhami, taasna waxaanu u aragnay in qofkii aqoonta lahaa ee soo shaqeeyey in aan loo baahan loona baahdo qof aan waxna qorin waxna akhriyin, waxaana hawshaa soo korodhay gacantana ku haya wasiirka iyo wasiirada kale ee la socda.