AMISOM Oo Sheegtay Inay Weli Khatari Ka Imanayso Ciidamada Kooxda Al-Shabaab

0
807

amisom

Nayrobi(Geeska)-Ciidamada Amisom ayaa sheegay in wali ay khatar ku hayaan magaalada Muqdisho xoogaga Alshabaab oo iyagu saddex maalmood ka hor faaruqiyay fadhiisimooyinkii ay ku lahaayeen Muqdisho.

AMISOM waxaa ay codsatay 3000 oo ciidamo dheeraada ah si ay guud ahaanba u xasiliyaan goobaha ay banneeyeen Alshabaab.

Taliyaha ciidamada AMISOM  Maj. Gen. Fred Mugisha ayaa sheegay in iyadoo ay muuqatay in Alshabaab ay si ku talagal ah oo isku xidhan ay uga baxeen magaalada Muqdisho, haddana taasi ay ku timid cadaadis maalmihii ugu dambeeyay  ay kala kulmeen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo ay taageerayaan AMISOM.

Taliyaha ayaa ka dhawaajiyay inay aaminsanyihiin in aanay  ahayn mid dhammaystiran ka bixitaankii Alshabaab ee Xamar “Alshabaab wali meelaha qaar ayay  joogaan, gaar ahaanna agagaarka warshaddii baastada iyo waqooyi bari tarabuunka”. Ayuu yidhi Gen.  Mugish oo shalay soo saaray warsaxaafadeed., waxaanu intaas raaciyay, “90 ilaa 95 boqolkiiba Muqdisho way la xareeyay , taasoo keentay in la gaadho xeryo badan oo ay ku jireen dadka barakacayaasha ah,  laakiin caasimaddu wali uma xasiloona sidii aan jeclaan lahayn”. Ayuu sii raaciyay taliyuhu.

AMISOM ayaa sidoo kale codsatay ciidamo dheeri ah , taasoo ay sabab uga dhigeen  in aysan ciidamada haatan jooga dabooli Karin sugidda ammaanka caasimadda oo aad u ballaadhan.“Ciidamadeenu hadda waa inay daboolaan ammaanka goobo ballaadhan oo ka mid ah caasimadda ,taasoo keenaysa khatarta ah  inaan iskala fidino, marka waxaan ka codsanaynaa saaxiibadayada caalamka ee aan ku tiirsannahay inay nasoo gaadhsiiyaan 3000 oo ciidamo dheeriya ah”. Ayuu yidhi markale Gen.  Mugish .