Komishanka Dorashoyinka Oo Soo Saaray Qorshe Hawleed Ku Waajahan Hawlo Kala Duwan

0
845

komishan

Hargeysa(Geeska)-Guddiga doorashoyinka qaranka ayaa daboolka ka qaaday qorshe hawleed ku waajahan doorashooyinka kala gedisan ee laga sugayo iyo furashada ururada siyaasadda.

Ku simaha afhayeenka guddiga doorashooyinka qaranka Md. Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil, ayaa xalay soo saaray warsaxaafadeed uu kaga hadlayo qorshe hawleedkaas oo uu xusay inay beesha caalamku diyaar u tahay inay ka kaalmayso dhinaca dhaqaalaha. Qorshe hawleedkaas ayaa ka kooban, Furashada Ururrada Siyaasadda iyo Qabsoomidda Doorashada Goleyaasha Deegaanka-August 2011 – April 2012; Odoroska Diiwaangelinta Muwaadiniinta/Codbixiyeyaasha- June 2011- June 2012  (Feasibility Study, Design and Implementation); Dhammaystirka Diiwaangelinta Muwaadiniinta/Codbixiyeyaasha – February 2013; Doorashada Golaha Wakiillada- May 2013; Doorashada/Xulasahada Golaha Guurtida- May 2014 iyo Doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa – June 2015. Warsaxaafadeedkaas guddiga doorashooyinku soo saaray ayaa isagoo dhammaystiran sidan u qornaa: “Sida aynu wada ogsoonnahay tan iyo intii ay doorashadii Madaxtooyada ee 26-kii June, 2010 ee sida xorta ah iyo nabad-gelyada innoogu dhacday in ay dalkan Somaliland usoo hoyatay sumcad iyo guulo waawayn oo aynu Bulsho Waynta Caalamka kaga kasbannay soo dhawayn wanaagsan iyo in aynu tusaale u noqono Afrika inteeda kale. Geedi-socodka Dimoqraadiyadeed ee dalkeenu ku caano maalay kuma e’ekayn doorashada Madaxtooyada oo keliya, waxaana Komishanka Doorashooyinka Qaranka loo igmaday islamarkaana waajibka sharci ee saarani uu yahay (statutory obligation) in uu (Ilaahay Idamkiisa) suurto-geliyo qabsoomidda Doorashooyin Xor ah oo Xalaal ah oo dalkan ka hano-qaada. 

Komishanka Doorashooyinku:

Isagoo fulinaaya waajibaadka Sharci ee faraaya maamulidda iyo hirgelinta  doorashooyinka Golayaasha Qaranka .

Isagoo tixgelinaya go’aankii Golaha Guurtida ee Tirsigiisu ahaa Ref: GG/JSL/127/09/2010 soona baxay  07 September, 2010, nuxurkiisuna ahaa Muddo Kordhinta Goleyaasha Qaranka, kaasoo waajibinaayay “In Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka lagu qabto muddo 18 bilood ah oo ka bilaabanta 07da September 2010 kuna e’eg 07da March 2011”.

Isagoo ku xisaabtamaaya Khudbaddii uu Madaxweynaha JSL ka hor akhriyay labada Gole ee Guurtida iyo Wakiilada ee ku waajahnayd Qabsoomida doorashooyinka deegaanka. Taasoo uu madaxweynuhu ku ayyiday Go’aanka Muddo Kordhinta ee Golaha Guurtida.

Haddaba, si uu u suurto-geliyo yoolalka uu hiigsanayo, una gudto waajibka Sharci ee saaran, waxa uu Komishanka Doorashooyinka Qaranku diyaariyay Qorshe-hawleed (Action Plan).

Qorshe-hawleedka ay ku suurto gelayaan doorashooyinka kala geddisani oo uu diyaariyay Komishanka Doorashooyinka Qaranku islamarkaana ay

Beesha Caalamka ee innaga taageerta doorashooyinku ay gacan wayn ka gaysteen, diyaarna u yihiin kaabidda kharashka dhaqaale ee ku baxaaya, waxa uu u dhigan yahay sidan:

Furashada Ururrada Siyaasadda iyo Qabsoomidda Doorashada Goleyaasha Deegaanka-August 2011 – April 2012;

Odoroska Diiwaangelinta Muwaadiniinta/Codbixiyeyaasha- June 2011- June 2012  (Feasibility Study, Design and Implementation);

Dhammaystirka Diiwaangelinta Muwaadiniinta/Codbixiyeyaasha – February 2013;

Doorashada Golaha Wakiillada- May 2013;

Doorashada/Xulasahada Golaha Guurtida- May 2014;

Doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa – June 2015.

Haddii aan la dedejin hawlaha ku xidhan in la fuliyo Qorshe-hawleedkan waxaa suurto-gal ah in ay is-riixaan doorashooyinka ayna meesha ka baxdo Diiwaan-gelin taabbo-gal ah  islamarkaana ay adkaato in jadwalka kor ku xusan lagu xisaabtamo. Sidaa daraadeed, waxa Komishanka Doorashooyinkka Qaranku si xushmad leh uga codsanaysaa dhammaan Goleyaasha ay khusayso inay fududeeyaan suurogelinta hanaanka iyo habka ay dalka uga qabsoomi lahayeen Doorashooyinku si aanay innoo seegin in la suurtogeliyo Diiwaan-gelinta Muwaaddinka/Codbixiyeyaasha (Civil and Voter Register) oo dhaxal-gal u noqota Qaranka.”