Qurbo-joog Tiro Badan Oo Madaxtoyada Mudahraad La Hortagay Iyo Jawaabta Ay Heleen

0
874

 

muda

Hargaysa(Geeska) Tiro aad u badan oo kamida qurba joogtii Somaliland ee ay dayuurada Djibouti Air keentay wadanka isla markaasana waayay diyaarad qaada ayaa shalay madaxtooyada la hortagay cabasho ay ku maqashiinayaan dhibta soo gaadhay.

Wakhti yar markay hortaagnaayeen kooxdan qurba joota ah madaxtooyada waxa ay madaxtooyadu ka codsatay inay iska soo saaraan gudi u hadasha, isla markaana la kulanta madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Saylaci. Ugu horayntii wasiirka duulista iyo hawada Maxmuud Xaashi Cabdi waxa uu yidhi“Waxa ay kamid tahay diyaaradaas Djibouti Air diyaaradaha ka ganacsada hawada Somaliland, sadexdii bilood ee u danbeeyayna waxa ay keentay 36 duulimaad oo rakaaba, markaas noqadkii ayaa ay diyaaradaas afar duulimaad oo isku xiga ay joojisay, dad badan  ayaana runtii ku dhibaatooday dadkaas oo ay qaar diyaaradaha isku xidhka ka raaci lahaayeen Dubai, qaar shaqaaale ay ahaayeen, kuwo dugsiyo ayay tagayeen dhibaatooyinkaasi waa kuwo jira” wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi“Anagaa masuul uga ah xukumaada una dhaxayna dadka iyo shirkadaha marka u horaysa ilaa iyo imika sabab ay nagu qancisay inay joojintaa ka danbaysay shirkadaas kamaanu helin, shirkadana wasaarada ayaa siisay ruqsada, waxaanay ahayd shirkad ku gooshaysay calanka iyo magaca wadanka aanu jaarka iyo walaalabahaba nahay ee jabuuti, waxyaabaha aanu ku qiimaynayna weeyaan, shirkad nin ganacsade ah oo wayn ka danbeeyayna waa ay ahayd, runtiina kamaanu filaynin, aad iyo aadna ayayna arintaasi noogu tahay dhaawac waanu ka raaligalinaynaa shacabka iyo rakaabkaba dhibta gaadhay, anagana waxa ay noo noqon doontaa cashar, wax wayna waanu ka badali doonaa siyaasadayada ku wajahan shirkadaa dayuradaha.”

Dhanka kele Cabdilaahi Baaruud oo kamid ahaa guddii ay  iska soo saareen kooxda qurba joota ah isla markaana la kulmay madaxwaynu ku xigeenka ayaa wargaysaka Geeska Afrika uga waramay sida uu u dhacay kulankaas waxaanu hadalkiisa ku bilaabay“Waxa fadhiyay oo aan la kulanay madaxwayne ku xigeenka, wasiirka duulista iyo hawada, taliyaha ciidamda booliska,xilidhibaan Nac nac, agaasimaha wakaalada qurba joogta iyo Cabdiqafaar oo Noble Tavel Agancy-ga ka socday. runtiina si fiican ayay noo soo dhaweeyeen, madaxwayne ku xigeenkuna waxa uu arintii kala hadlay maamulkii shirkada ee jabuuti waxaanu la hadlay nin la yidhaahdo Axmed Nuur, wasiirka duulistuna Maxamuud Xaashi waxa uu isna la hadlay Dubai mulkiilayaashii diyaarada iyo dadkii ka wakilka ahaaba sifiican ayay uwada hadleen waxanu u sheegay inay madaxtooyada hortaagan yihiin intaas oo qof oo mudaharaadaya, dabadeeto nimankii way ka cudurdaarteen waxaanay shegeen inay khaladka diyaaradoodu samaysay, hadal iyo dhamaana waxa ay nimankii balan qaadeen inay bari [Maanta] diyaaradii imanayso, duulimaadkii labdaadna ay ku imanayso Salaasada, duulimaadyaduna ay si caadiya u socondoonaan maalinta bari ah [Maanta] ayaanay imanaysaa diyaarad madhan oo dadka qaadaa.”