Baadi-doonka Qadaafi Oo Lagu Jiro Iyo Baaqa Nabadeed Ee Uu Soo Diray Wiil Uu Dhalay

0
789

 

qaadaafiCol. Mucamaral Qadaafi ayaan la garanayn meel uu jaan iyo cidhib dhigay, ka dib markii ay xoogaga mucaaradku gudaha u galeen qasrigiisii Baabal casiisiya, waxaana halka uu ku suganyahay ka soo baxaya warar kala duwan oo aan xaqiiq ku fadhiyin.

Afhayeen u hadlay dawladda Maraykanka ayaa sheegay inaan si rasmi ah loo garanayn halka uu Qadaafi joogo balse ay aaminsanyihiin inuu ku suganyahay gudaha Liibiya, madaxda mucaaradka Liibiya ee hubaysan ayaa iyaguna sheegaya inaanay xog ka hayn goobta uu ku suganyahay balse ku doodaya inaanu Liibiya ka bixin. Laakiin iyadoo baadi goobkaas lagu jiro ayuu soo daayay cod kooban oo farriin ah oo uu ku sheegay inuu joogo gudaha Tiripoli islamarkaana qayb ka yahay dagaalada hubaysan ee qaybo magaalada ka tirsan ka socda. Waxaanay farriintaasi niyadda u dhistay taageerayaashiisa. Dhambaalkaas codka ah oo laga sii  daayay TV ay maamulaan dad isaga raacsani, ayuu Gaddafi wuxuu ku sheegay in uu dagaallami doono ilaa uu guuleysto ama uu dhinto. Wuxuu ku tilmaamay sababta uu uga baxay qasrigiisu in ay tahay xeel dagaal.

Saacid oo ka mid ah wiilasha uu Qadaafi dhalay ahna nin ay mucaaradku sheegteen inay qabteen balse beenoobay, ayaa telefishanka CNN u sheegay inuu doonayo inuu wada xaajood dhex dhigo garabka aabihii, isbahaysiga NATO iyo mucaaradka hubaysan. Maxamed oo ay khadka E-mailka farriimo isku dhaafsadeen weriye ka tirsan telefishanka CNN, ayaa wuxuu yidhi, “Waxaan isku dayi doonaan inaan badbaadiyo magaaladayda Tiripoli iyo laba milyan oo ruux oo halkan ku nool. Haddii kalena Tiripoli way baabi’I doontaa waxaanay noqon doontaa sida Somaliya.”  Laakiin NATO iyo golaha mucaaradku jawaab kama bixin dalabka Ina Qadaafi.

Golaha mucaaradka Liibiya ayaa shaaciyay in madaxda Qadaafi la dul dhigay lacag dhan $ 1.2 Milyan Dollar, qofkii soo sheega geeri iyo nololna abaal gud ahaan loo siin doono, waxaana lacagtaas bixinaya ganacsade reer Liibiya ah oo mucaaradka taageersan.

Telefishanka BBC-da ayaa xalay baahiyay in laga yaabo in Qadaafi  u baxsaday dhinaca Koonfureed ee Liibiya si uu ugu dhex dhuunto qabaa’ilaadka halkaas degen iyadoo ay u fududahay inuu u gudbo dalal kale oo Afrika ka tirsan sida Niger, Chad iyo Mali, wadamadaas oo uu taageerayaal ku leeyahay.

Faa’iidooyin kala duwan ayaa taageerayaasha Qadaafi ugu jira inaan hoggaamiyahooda la qaban. Tusaale ahaan Saddaam Xuseen waxa la qabtay markii uu siddeed bilood dhuumaalaysanayay mudadaasna taageerayaashiisu waxay sameeyeen wax iska caabin iyo is urursi waxaana niyadda u dhisaysay in Saddaam oo hoggaamiyahooda ahaa weli noolyahay. Sidaas daraadeed haddii aan Qadaafi la qaban golaha mucaaradka waxa ku adkaan doonta inay dhisaan dawlad si rasmi ah u shaqaysa maadaama oo ay weli wax iska caabin iyo dagaalo jiraan. Laakiin qabashadiisa lafteeda ayaan la hubin inay soo afjari karto qalalaasaha ka jira Liibiya.

Dhinaca kale taageerayaasha Qadaafi oo ku dhuumanaya meelo kala duwan oo caasimadda ka tirsan ayaa rasaas la beegsanaya mucaaradka, waxaana la sheegay inay isticmaalayaan rasaasta kimikada ah ee Iskoodka loo yaqaan taas oo walaac ku beertay isbahaysiga NATO, oo aad uga warwarsan in Qadaafi hub kiimiko ah gacanta u geliyo dadka magaalada.

Geesta kale Golaha qaranka ee mucaaradka Liibiya  ayaa is eedeyn, cambaareyn & shaki hoose soo kala dhexgaley ka dib markii uu been noqdey warar ay faafiyeen masuuliyiin ka tirsan golahaasi sida qabashadii ay sheegeen in la qabtey laba wiil oo uu dhaley Col. Qadaafi.

Sidoo kale waxa jira tuhuno ka imaanaya Isbahaysatada taageeraya golaha mucaaradka taasi oo ah in xitaa Tripoli oo kaliya ay awood u yeelan waayeen inay  qabsadaan.