Aafadii Tahriibka Oo Soo Noolaatay Iyo Dhallinyaro Tiro Badan Oo Bishan Ramadaan Ka Safray Hargeysa

0
903

 

tahriibHargeysa(Geeska)-Dhibaatadada tahriibka oo muddo laga raystay ayaa mar kale si xawli ah uga bilaabantay qaar ka mid ah gobalada dalka oo ay caasimadda Hargeysa ugu horayso.

Tahriibka oo muddooyinkii u dambeeyay laga nastay ka dib markii ay khatartiisu badatay islamarkaana uu xidhmay khadka la mari jiray ee u dhexeeyay Talyaaniga iyo Liibiya, ayaa u muuqda inay xaaladda Liibiya ee qasani hadda soo noolaysay, maadaama oo ay dawladda Liibiya iyadoo ka aar gudanaysa Talyaaniga fasaxday in dalkeeda si xor ah loogaga tahriibo dalka Talyaaniga. Muddooyinkii u dambeeyay xaafadaha kala duwan ee Hargeysa waxa ka tahriibay dhallinyaro lagu qiyaasay 70 wiil oo isugu jira da’o kala duwan, kuwaas oo u jihaystay dhinaca dalka Liibiya, waxa iyaguna jira kuwo kale oo u socdaalay dhinaca Dalka Suuriya oo ay uga sii gudbayaan Turkiga iyagoo ka faa’iidaysanaya xaaladda iyana baaxaa degaysa ee dalka Suuriya. Qaar ka mid ah dhallintan ayaa la soo warinayaa inay ku jiraan xabsiyo kala duwan oo loogu haysto madax furasho iyo sharci darro ay ku galeen dalalka qaar. “Xaafadan waxa ka tahriibay ugu yaraan 11 wiil bishan Ramadaan gudaheed waxaanay u baxeen dhinaca Liibiya oo ay doonayaan inay uga sii gudbaan dalka Talyaaniga.” Sidaas waxa yidhi nin waayeel ah oo u waramay Geeska Afrika,kaas oo ka waramayay dhallinyaro tiro badan oo xaafadda uu degenyahay ka huleeshay.

Sababaha keenay tahriibkan cusub ayaa lagu xidhiidhinayaa shaqo la’aan iyo busaarad ku habsatay in badan oo ka mid ah dhallinyarada dalka, waxaanay dhalintaas qaarkeed ku doodayaan inay ku hungoobeen isbedel dhinaca fursadaha shaqo ah oo ay filayeen inay xukuumadan sannadka jirtay u samayn doonto maadaama oo ay masuuliyiinteedu balan qaadeen markii ay ololaha ku jireen. Laakiin dhallinyartan ayaa marka ay gaadhaan dalalka Yurub waxa ay la kulmaan dhibaatooyin kala duwan; qaar badan oo ka mid ahina waxay qiraan inay la kulmeen wax aanay filayn.

Tahriibka oo ay dhibaatadiisu badatay sannadihii u dambeeyay waxa ku haligmay dhallinyaro reer Somaliland ah oo aad u tiro badan kuwaas oo isugu jiray rag iyo dumar, dhibaatadaas la arkayna waxay hakisay tahriibayaal badan oo qorshaynayay inay bilaabaan, sidoo kale waxa tahriibka si rasmi ah u joojiyay heshiiskii dhex maray Talyaaniga iyo Liibiya ee ku saabsanaa inay Liibiya xakamayso Afrikaanka dalkeeda uga tahriiba Talyaaniga, heshiiskaas oo imika la jebiyay.

Xukuumadda Somaliland ayaa looga baahanyahay inay samayso qorsheyaal ay ku xakamaynayso tahriibka si uu ugu yaraan u yaraado, haddii kalena waxa iman doona dabar go’ ku soo socda dhallinyarta dalka oo ah cudud aanu qarankani ka maarmi karin.