Qurbo-joog Tiro Badan Oo Ku Gadooday Diyaarada Djibouti Air Oo Duulimadyadii Joojisay

0
745

 

qurbe ggHargaysa(Geeska) –Qaar ka mid ah qurbo-jooga Somaliland ee weli ku sugan Hargeysa ayaa dareen cadho leh ka muujiyay duulimaadyadii shirkadda diyaaradaha ee Djibouti Air oo ay sheegeen inay joojisay.

Shirkada duulimaadyada ee Djibouti Air ayaa la sheegay inay joojisay duulimaadyadii ay Somaliland  ku iman jirtay iyada oo ay wadanka keentay saddexdii bilood ee u danbeeyey ku dhawaad 3000 qof oo qurba jooga reer Somaliland ah, kuwaas oo ku cadilan gudaha Hargeysa maadaama oo aanay haysan duulimaadyo geeya dalka isu taga imaaraadka Carabta oo ay ka raaci doonaan diyaaradihii Yurub ee ay ku qornaayeen. Waxaanay shirkaddaas ku eedeeyeen inay kula kacday falal dhac ah.

Haddaba waxa shalay isgu soo ururay xafiiska Noble Travel Agency oo ah xafiis heshiis kula jiray shirkadaas Djibouti, waxaana halkaas isugu ururay dad tiro badan oo ka cabanayay duulimaad la’aanta ku dhacday.

Afhayeen u hadlay dadkaas Qurbo-jooga ah oo shalay Wargeyska Geeska Afrika kula hadlay wajahada xafiiskaas Nopel Travel, ayaa yidhi,  “Waxaan halkan kaga hadlayaa anigoo dhamaan dadkan qurba joogta ah ee wadankooda hooyo u soo heloobay matalaya,  dadkaa aan kamidka ahay oo gaadhaya 3000 – 4000 oo Somaliland oo dhan ku filiqsan, waxaan soo raacnay shirkada Djibouti Air oo isku xidhkeedu ahaa inay ka soo baxdo Dubai ilaa Berbera, markaa diyaaradaa dadku waxa uu ku soo raacay oo uu ku soo aaminay ruqsadii ay dawlada Somaliland siisay, runtii dadkan waa uu ku kala qornaa jadwal kala duwan inuu markuu fasaxiisu dhamaado qof kastaa dalkiisii dib ugu noqdo, dadbay ahayd inay tagaan saddex wiig kahor, dadbay ahay dinay bishan bilawgeedii iyo dhamaadkeedii tagaan iyo ilaa bisha sagaalaadba, ilaa hadda waxaan ka war ahaynaa inay shirkadaasu badheedhay in aanay dalka dib ugu soo noqon, dadkii ay keentay oo kuy imid 36 duulimaadna aanay qaadayn, dadkii halkan ayuu ku cadilan yahay,” isaga oo saciid sii wata hadalkiisa waxa u yidhi “Dadkuna waxa uu isugu jiraa Caruur,Shaqaale,Waayeel iyo dad xanuusanayaba markaas dadkaas oo dhan mahaystaan wax adeeg dib u noqosho ah, hadday sidaa ku sii socotana dadkii tagayay waa ay sii badanayaan. Markaa halkan waxa aan baaq wayn uga soo jeedinayaa xukumaada Somaliland oo aanu aawadeed aanu u nimid ruqsada lagu aaminay shirkadana iyadu bixisay, waxaan ka codsanaynaa inay si dhaqso badan oo toosa arinta u soo faragaliso, waayo dadkani waa dad wadanka wax badan soo galiyay waxaanan qiyaasayaa in qof kastaa uu wadanka 5000 ilaa 6000 oo wax iibsi ama siinba ah ay soo galiyeen, hadday sidaa ku noqdaana iyaga oo aan wax loo qaban dawlada iyo wadankaba waa ku samcad xumo.”

Sidoo kale waxa si gaara iyaduna Wargeyska Geeska Afrikala hadashay  hooyo Ramla Cumar oo ah haweenay wadatay shan caruura isla markaana  uu la socday odaygeeda oo sheegtay inay muddo sadex sano ah ururinaysay lacagtan ay wadanka ku soo booqatay  “Waxaanu nahay aniga ninkayga iyo shan caruura, waxay ahayd in aan duulno kowdii bishan aan ku jirno, ilaa maalintaa waan ku soo noqnoqnayay xafiiska shirkadiina waa ay iska tagtay, duulimaadkii kale ee aan ingiriiska ku qaban lahaaan waa uu iga dhacayaa, waxaanan ururusanayay lacagta safarkan saddex sano markaa bal yaa iga bixnaya, dawlada Somalilandna waxaan leeyahay waad is ceebayseen”

Maamulaha Nobele Travel Agency  Cabdiqafaar Muxumed Xirsi oo isaguna kula hadlay saxaafada xafiiskiisa ayaa sheegay inay shirkadaasu diiday inay qaado dadkii ay wadanka keentay, waxaanu maamulahu u soo jeediyay labada xukumaadood ee Somaliland iyo Jabuuti inay talaabo sharciya ka qaadaan shirkada Djibouti Air waxaanu ku bilabay hadalkiisa“Noble Travel Agency waxa uu wada shaqayn hordhaca la lahaa shirkada diyaaradaha ee Djibouti Air, waxa aanu wada saxeexanay heshiis hordhaca 18/4/2011, heshiiskaasu waxa uu ahaa mid shaqaynaya muddo 3 bilooda oo aanu ku hubinayanay wada shaqaynta shirkadaas aanu la yeelayanay, waxaanay ahayd in aanu ku eegno in aanu ku qanacno heshiiska oo aan sii jadiidino iyo in aanu ku qanci wayno oo aan kala noqono, nasiib daro waxa aan odhan karaa rakaabkii ay shirkada Djibouti Air wadanka keentay saddexdii bilood ee u horaysay waa ay ku guuldaraysatay inay celiso, oo ay sidii jadwalka duulimaadyadu ahaayeen ee ay ugu balan qaaday dadka ee ay dunidoo dhan uga soo uruurisay, wakhtiyadii jadwalka ugu qornaa ee ay u gudbisay wasaarada duulista iyo hawada kumaysan shaqayn, waanay ka dib dhacday, sababaha keenay waxa ka jawaabi doonta Djibouti Air. Annagu  Noble ahaan arintaa waxaan ka galnay dadaal wayn, waxaan tagay wakhtigii ay nagu wargaliyeen arintan 13 bishan ilaa 15 bishan  jabuuti, si aan ugala hadlno cida ay qusayso arintani oo aan ugu qancino inay dadkii dib u qaadaan. Laba qodab ayaan ugu roonaa wax yaabaha aanu kala hadlayay, midi waxa ay tahay inay dad ka badan 2000 oo qof oo ay dalka keeneen inay celiyaan dadkaas oo ay ka dhacayaan tigidhadii kale ay Dubai kaga sii duuli lahaayeen, runtiina dadkaasi waa ay dhibanyahiin waxaanay dadaal ku soo bixiyeen inay yimaadaan wadankoodii hooyo, waxaanay u badan yihiin dumar iyo caruur, runtiina halkaas waxa ka jira culays wayn oo ubaahan inay xukumaada Somaliland si mugleh u eegto. Heshiiskii aanu shirkada Djibouti Air aan kuwada jirnayna waxa uu dhacay 5-tii bishan aan ku jirno.”