“Waanigii Xilka Iska Casilay, Iskagamaan Casilin Xumaan Iyo Xanuun Madaxweynaha Na Dhex Yaala, Igamana Suurtowdo Inaan Dadka Hortiisa Ku Caayo”

0
4207

 

gaboseHargeysa(Geeska)-Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa shalay si rasmi ah xilkii wasaaradaas ugu wareejiyay wasiir xigeenkiisa Cismaan Garaad.

Munaasibad shalay lagu qabtay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha, ayaa waxa hadal ka jeediyay Dr. Gabose, waxaanu yidhi, “Ilaahay inuu dalkeena inuu barwaaqo, nabad, midnimo iyo kalgacayl umad leh oo qab leh ka dhigo ayaan ka baryayaa. Madaxda sharafta mudan, wasiir ku xigeenka hore iila shaqaynaayey hadana wasiirka ah iyo saddexda taliye ciidan iyo hay’addaha kale oo mayarku ka mid yahay oo hay’adda mina saarku ka mid tahay, waxaad halkaas ka arkaysaan baaxada ay wasaaradani leedahay, waxa maqan badhasaabadii oodhan, waxaa maqan maayaradii oodhan, , waxaa maqan hawlo badan. Wasaaradda baaxda leh waa halbawlaha aan is odhan karo dalku uu ku jiro, waayo waa gacmaha wasaaradaha kale oodhan u shaqeeya, iyaga ayaa sharciga ilaalinaaya, iyaga ayaa hawl fulin u ah, iyaga nabada sugaya, iyaga ayaa adeega bixinaaya. Waayo? Dawldaha hoose waxay ku mashquulsan yihiin siday adeega umada u gaadhsiin lahaayeen.”

Dr. Gabose, isagoo ka hadlaya is casilaadiisii wuxuu yidhi, “Anigu xilkii waanigii iska casilay. Iskagamaan casilin xumaan iyo xanuun na dhex yaala madaxweynaha, aniga iyo saaxibadaydii kale ee aan ka tirsanaa ee xukumada. Sidaan hore idiinku sheegay dariiq kale oo aan is qaadan karin laba masuuliyadood oo sidaas u culus in aanan isku qaban karin, munaafaqna noqon oo anoo mid wada mid kale ku dhex wadin ayaan markaan isla hadlay door biday in aan u banaanaado taa himilada aan muddo dheer ku soo halgamaayey in ilaahay haddii ay khayr tahay khayr iiga dhigo haddii ay shar tahayna iga xijaabo. Waxaan madaxweynaha u qoray waraaq doraato aan ka codsanaayo inuu sida ugu dhakhsaha badan xil wareejintii cid loo soo igmado, waxaan sida ugu dhakhsaha badan u lahaa, maaha in aan karkabadayeynaayey madaxweynaha inuu qof dhakhso ah soo magacaabo ee waxaan ka qabay saacada aan sii joogaba in la yidhaahdo danihiisii ayuu ku dhex wataa. Markaa waxaan is idhi mar hadaad ka tagtay si dhakhso ah uga tag. Madaxweynuhu uu ku amaanan-yahay, waanu iga aqblay is casilaadii, wuxuuna si ku meel gaadh ah yidhi ugu wareeji xilkaa wasiir ku xigeeka Cismaan Garaad Soofe. Waxaan ilaahay ka baryayaa inuu hawsha u fududeeyo. Markaan qalbigayga hoose ka hadlo waxaan runtii idiin sheegayaa madaxweynaha lexa jeclo ayaan ka leeyahay, waayo? Lexa jeclada aan ka leeyahay waxa weeye halgan dheer ayuu soo maray oo aan qayb ka ahaa qaar oo aan is leeyahay wuu ku mudan yahay inuu umadiisa hago. Markaa waxaan la jeclahay inuu guul ka gaadho dalka mudada dheer ee uu u soo halgamay. Lexo jeclo labaad waan u leeyahay oo waxa weeye hadh iyo habeen maan hadhsan si aan kursiga u saaro, qofkii aan dadka hortiisa ku amaanayey, qofkaan la jeclaa inuu kursiga yimaadana igama suurtawdo in aan dadka hortiisa ku caayo, waayo? Aniga ayaa is caayaya. Mid kalena lexa jeclo ayaan ugu hayaayoo waxa weeye dal waxaynu nahay nugul, mandaqad aad u khariban ku dhex yaala, nabad ilaahay siiyey, dadkiisu ay ku jiraan halgan nolaleed, oo hadii maamulka milgihiisa, jidkiisa iyo shuruucdiisa wax ka khaldamaan, laga yaabo khalad yar inuu dhibaato wayn inoo keeno, taas waxaan ka wadaa waxaan labada jeerba ugu hiilinayaa markuu saxan-yahay in aan sixitaanka ku garab galo, markuu qaldan-yahana in aanan kala biqin ee aan ku dhiirado in aan khaladkiisa u sheego anoo dariiqa ugu asluub badan u maraaya. Khalad u sheegistuna maaha burburin ee waxaan ka wadaa waxa weeyaan kal gacayl loo qabao inay isaga wax u hagaagaan, waxaa loo sheegayaa hadii ay sax-yihiin ha qaato, hadii aanay sax ahayna haka tako.  Sidaas awgeed dariiqaa ii bilaabmaya waxaan jeclahay in aan ka fogaado in aan salka la galo reer gaar ah, waxaan jeclahay in aan ku durko dhanka aqoon-yahanka, waayo? Caalamkan maanta aqoon ayaa hagaysa. Ma lihi ka aan aqoonta lahayn waa qof xun, laakin maanta dawladnimadu waxay u baahantahay aqoon. Waa loo soo dhintay, waa la soo kaxaynaayey, wakhti xasaasiya ayey maraysaa, markaa dadkii ka saari lahaa kolba meel ayey wajigeeda tahay iyo dariiqeeda.”

Dr. Gabose, waxa kale oo uu ka hadlay qaab dhismeedka wasaaradiisa iyo weliba waxyaabihii u qabsoomay mudadii sannadka ahayd ee uu xilka hayay.

 

Waxa isna halkaas ka hadlay Wasiir xigeenka xilka la wareegay Cismaan Garaad Soofe, taliyaha ciidanka Booliska Maxamed Saqadhi Dubad iyo masuuliyiin kale.