Guddiga Cadaalada Oo Xilkii Ka Qaaday Guddoomiyihii Maxkamada Rafcanka Gobalka Hargeysa

0
672

 

 

 

caydid

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaarada Caddaalada Somaliland Md. Xuseen Axmed Caydiid, ayaa soo saaray Go’aan xilkii lagaga qaaday Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka gobolka Hargeysa Sheekh Xuseen Warfaa Sigad oo lagu eedeeyay inuu maxaabiis xukuman ka iibiyay xadhigii.

 

Wasiirku waxa uu sidaasi ku sheegay war-saxaafadeed u qornaa sidan “Wasaarada Cadaallada iyo Garsoorku iyadoo cuskanaysa Qodobka 106-aad ee dastuurrka qaranka oo qeexaya in Wasaaradda cadaalladu u xilsaaran tahay fulinta Go’aamada Guddida Cadaallada.

Gudida Cadaalladdu markii ay arkeen danta guud ee cadaallada ee ay arkeen Qodobada 107, 108 ee dastuurrka qaranka.

Markii ay arkeen dood dheer iyo falanqeyna ay ka yeesheen dacwad la xidhiidha Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Hargeysa oo farro gelin ku sameeyay maxaabiis xukuman oo xadhigii ka iibiyay, dacwaddaasi oo uu u soo gudbiyay Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Somaliland.

Sidaas darted, waxa Guddida cadaalladdu ay go’aamiyeen qodobadan:-

1)- In laga diiday Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka maamuus ka xayuubintii iyo dacwad ka hor oogidii Maxkamada Racfaanka Gobolka Hargeysa.

2)- In shaqadii laga saaray Gudoomiyihii Maxkamada Racfaanka gobolka Hargeysa, laga bilaabo fadhiggii guddida Cadaalladda oo bishu ahayd 21/08/2011.”