Qurbe-joog Cambaareeyay Xubnihii Xaqsoor Ka Tirsanaa Ee Xisbiga KULMIYE Ku Biiray

1
739

Picture1Hargeysa(Geeska)-Taageerayaashii qurba joota ahaa ee urur siyaasadeedkii XAQSOOR, ayaa canbaareeyay ku biiritaanka ay xubno ka mid ahaa ururkaasi ku biireen xisbiga talada haya ee KULMIYE, iyaga oo arintaas ku macneeyay fadhataysi ay xukuumaddu ururkaas ku samaysay.

Qurba joogtan ayaa sheegay in urur siyaasadeedkaas masiirkiisa looga danbaynaayo hogaankiisa, isla markaasna halka hogaanku ku taliyo la raacayo, iyaga oo tacsi u diray qoysaskii caruurtu ay kaga dhinteen mudaharaadadii xukuumaddu awooda ku muquunisay.

Ugu horayntii Axmed xiis oo jooga Maraykanka, oo arintaas ka hadlaayay waxa uu yidhi “Waxaan halkan tacsi uga dirayaa caruurtii yar yarayd ee 6/12/2012-kii la laayay waalidiintoodii iyo intii dhawacyadu ka soo gaadheen. Intaas hadaan ku dhaafo waxa ay dhawaan xukuumaddu soo qabanqaabisay wax xaflad ku sheeg ah oo la leeyahay XAQSOOR ayaa KULMIYE ku biiray,taas oo lagu soo beegay maalintii caruurta la’laayay,arintaasu waa wax nusqaan ah waanan canbaaraynaynaa,waxaanan leenahay arintaasi waa cadaawad labaad, dadkii codkooda la boobay ee la yidhi xaq uma lihidin inaad dalkan ka soo baxdaan in hadana maalintii caruurta laga laayay xaflad iyo durbaan lagu soo beego,waxaanu leenahay waa nusqaan, xukuumadduna waa ay iska idhno tiraysaa.waxaanu leenahay kuwan ku biiray waa kuwii laga sugaayay inay xaqooda u soo dhiciyaan hooyooyinkii caruurta laga laayay, waa kuwii lahaa maxkamad ayaanu Ingiriiska ka furanay,cida xisbiga meel ku shaanbadayn kartaa waa guddoomiyaha ururka  iyo maamulkiisa, kaas ayaana loo daba fadhiisanayaa,iilama muuqato dhib in qof uu doorto meel uu ku biiraayo oo qofku isaga ayaa xor ah,laakiin dhibaatadu waxay tahay intuu qaato calanka ummadda aanu afkeeda matali karin oo aanu masiirkeeda matali karin inuu yidhaahdo cidbaan ku biiray oo labadii calan ayaan isku soo dhajinayaa waa wax aad u nusqaan ah,waana sharci daro oo ma qaadan karaan kuma dhejin karaan.”

Sida oo kale Khadar Aaden  Diiriye, oo isna degen dalka Maraykanka, kana mid ahaa dhallinyarada sida weyn u taageeray ururka Xaqsoor,  ayaa isaguna dhankiisa yidhi “waxaan tacsi u dirayaa caruurtii lagu laayay Hargeysa qoysaskii ay ka dhasheen sanadkii hore xiligan oo kale,waxaan ugu ducaynaynaa in alle janadii ka waraabiyo intii dhimatay inta dhaawicii la tacaalaysana uu caafimaad siiyo. Ujeedadayadu maaha in aan cid gaar ah canbaarayno waanan ka war wareegnay qaladaad ay dad xisbiga ka mid ah sameeyeen waxaana ka door bidnay in laysku dul qaato, waxa jiray in niman XAQSOOR ka mid ahaa meel la soo tubay, shaqsiyaadkaasi waxay si indha adayg ah u sheegteen inay matalaan xisbiga iyo dadkiisii, waxaanu halkan ka cadaynaynaa oo aanu dadka u sheegaynaa in aanay dadkaasu XAQSOOR iyo taageerayaashiisa toona matalin, in dadkaasu ay ahaayeen kuwo ujeedo qaldan meeshaas ku tagay wixii ay sheegteena aanay dhaafsiisnayn nafahooda oo kaliyaata.”

Ugu danbayntii Fu’aad Xaashi ayaa isaguna arintaas sidan uga hadlay “Waxaan halkan tacsi u marinayaa ehelada dhalinayradii la laayay iyada oo si nabad galyo ah u mudaharaadayay, intii dhimatay Alle haw naxariisto,inta dhaawaca ahna alle ha caafiyo waxaan leeyahay qofku xuquuq iyo xaq ayuu leeyahay, dhalinayradaas cidii laysay ilaa hada cadaalad ah lama marin. Waxaan aad uga xumahay qolyahaas masuuliyiinta ahaa ee ku biiray KULMIYE waxaan diiday oo aan aad u dhibsaday maalinta ay ku beegeen oo ah maalintii dilku dhacay.”

 

Comments are closed.