Ergo Nabadeed Oo Bariga Sanaag Looga Diray Beellaha Taleex Ee Dhawaan Dagaalamay

27
719

Taleex (Geeska) – Suldaanka guud ee beesha Bariga Gobolka Sanaag, Suldaan Siciid Cabdisalaan, ayaa ergo nabadeed u diray degmada Taleex ee gobolka Sool ee Somaliland, ka dib markii dhawaan Ciidamo uu watay Madaxwayne ku xigeenka Puntland, Cabdisamad Cali Shire ay cagta mariyeen Maleeshiyaad ay Taleex ku ururriyeen beesha uu ka soo jeedo Maxamed Jaamac (indho-sheel) oo ku Magacaaban Madaxwaynaha kooxda la baxday Khaatumo, kaasi oo u firxaday dhanka Magaalada Buuhoodle.

Colaadda ka dhalatay dagaalkaasi oo khasaare dhimasho iyo dhaawacba ah keenay, ayaa ergada reer Sanaag bari u tageen degmada Taleex inay ku xaliyaan hab-dhaqan ah, si looga waaqsado dagaallo kale oo dhiig ku daato.

Ergada Suldaan Siciid Cabdisalaan soo diray oo ka kooban ilaa 15 xubnood oo Madax-dhaqameed iyo waxgarad isugu jira, ayaa waxay kulano la yeesheen dhinacyada colaaddo dhex martay, kuwaasi oo ay ka mid yihiin jifada Madaxwayne ku xigeenka Puntland iyo beesha Indho-sheel oo tirsanaysa in Madaxwayne ku xigeenka Puntland ugu awood sheegtay ciidamada Puntland ee uu Garoowe ka soo kaxaystay, kuwaasi oo ilaa 8 qof ka dilay.

Cali Xaaji Maxamuud Dirir, oo ka mid ah ergada uu Sanaag Bari ka soo diray Suldaan Siciid Cabdisalaan, oo saxaafaddu wareysatay ayaa isaga oo sharaxaya ujeedada socdaalkooda Taleex yidhi “Waxaanu Sanaag uga soo kicitinay inaanu shaqaaqadii Taleex ka dhacday aanu Tacsi, Tallo iyo wax isku soo jiid aanu ku geysano, ragga meesha marayaana waa rag waaweyn oo Guurti ah, waxaanuna nahay ilaa 15 nin oo isugu jira, Nabad-doono, Aqoonyahan, waxgarad iyo Guurti”

Cali Xaaji Maxamuud Dirir, oo la waydiiyay in Puntland u soo dirtay inay soo dhayaan tabashooyinka beesha Indho-sheel, ayaa ku jawaabay “Annaga Puntland shuqul naguma laha, Annagu Mandaqada ayaanu degnaa, dadka dhibku gaadhay iyo dadkaasina (reer Sanaag Bari) waa isku mid, markaa barnaamij Maamulna meesha kuma jirto, laakiin waa in dadkaasi dhibka lala qaybsado oo Tolnimo iyo wixii lagu biirin karo (La taro), ayaanu u tagnay Taleex” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey isaga oo ka hal celinaya su’aal laga waydiiyay waxa ay u tagi waayeen mushaakilaadkii hore uga dhacay Buuhoodle iyo Kalshaale “Taasi waa dhib guud iyo fikir guud (Dagaaladii hore uga dhacay Buuhoodle iyo Kalshaale), laakiin dhibka Taleex ka dhacay maaha mid fog ee waa mid hoose oo ka dhacday reerka iyo Mandaqada”

Cali Xaaji Maxamuud, waxa uu sheegay inay la kulmeen labada dhinac ee dhibaatadu dhex martay “Laba habeen ayaanu joognay Taleex, waxaanu la kulanay beesha wax gaadheen iyo odayaasha beesha wax loo tirinayo ee Madaxwayne ku xigeenka (Puntland) iyo qoyskiisa, markaa meel fiican ayay wax noo marayaan” ayuu yidhi.

Inkasta oo ergadani dedaal ugu jirto xalinta khilaafaadka hoose ee ka dhexeeya beelaha Madaxwayne ku xigeenka Puntland iyo Indho-sheel, haddana labada siyaasi ee sida tooska ah dagaalku u dhex maray ayaan madasha nabadeynta ku sugnayn, waxayna kala joogaan Buuhoodle iyo Garoowe, taasina waxay adkaynaysaa in xal loo helo Mushaakilkan oo ku xidhiidhsan siyaasadaha iska soo horjeeda ee Puntland iyo kooxda La baxday ee Khaatumo.

 

Comments are closed.