Golaha Wakiilada Oo Mooshin Ku Ansixiyay In Doorashooyinka Dalka Mar La Wada Qabto

0
615

Picture6Hargeysa(Geeska)-Xildhibaanada golaha wakiialda ayaa meel mariyey Mooshin ah in labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Wakiilada Xukumaddu mar wada qabato iyo Xeerka diwaangalinta Maddaniga ah iyo codbixinta. Doorashada ayaa la qabanayaa sannadka 2015.

Golaha oo ay Saaka fadhiyeen 66 Mudane waxaa Mooshinka ah in doorashada Wakiilada iyo  Madaxtooyada mar la wada qabto ogolaaday 64 mudane, halka hal mudane diiday, waxaana isla tiradaasi ogolaatay Xeerka diwaangalinta Madaniga ah iyo Diwaangalinta Codbixinta.

Fadhiga shalay ee Wakiilada Waxaa Shir gudoominayay Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro, waxaanu goluhu galay Fasax bil iyo badh ah.

Mooshinkan ku aadan in Doorashada Madaxweynaha iyo ta wakiilada Mar la wada qabto, ayaa u muuqda inuu jawaab u yahay hadal hayn ah in sanadka 2015-ka la qabto Doorashada Wakiilada, dibna loo dhigo ta Madaxweynaha. Qorshehaas oo xukumaddu wadday ayaa Mudanayaashu isku dabreen islamarkaana goosteen in labada doorasho isku wakhti noqdaan, si ama dib loogu wada dhigo ama wakhtigooda loogu wada qabto. Guddoomiye Cirro oo hadal jeediyay markii fadhigu dhammaaday ayaa yidhi “Doodii Xeerka Diwaangalinta(Diwaangalinta Madaniga ah iyo Codbixinta), waxaa ka soo baxay oo Mudanayaasha Wakiilada Aqlabiyadoodii isku Waafaqeen iyagoon kala leexsanayn in labadii Doorasho mar la wada qabto Maadaama oo Doorashadii Wakiilada iyo Madaxtooyada ba la sugayo si dhiig baxa doorashada isku xig-xiga iyo dhaqaale burburka Dadka looga yareeyo.”

Madaxweyne Siilaanyo ayay mucaaridkiisu aaminsanyihiin inaanu labada doorasho ee madaxtooyada iyo Baarlamaanka mar wada qaban Karin, marka la eego wakhtiga ka hadhay oo aad u kooban, iyadoo ay sharci tahay inay doorashooyinku qabsoomaan bisha June ee sanadka dambe ee 2015. Waxay mucaaradkiisu ku eedaynayaan inuu diyaarsanayo madaxweynuhu muddo kordhin, inkastoo ay xukuumadu iska difaacdo eedahaas.