London (Geeska)- Sandor Marai waxa uu buuggiisa ‘Qiraallo Burjuwaasi’ ku sheegay in dadka dabaqadda sare ee Yurub nadaafadda ugu badan ee ay ku dadaalaan ay ahayd in dharka aanay xidhnaan illaa ay hun ku dul noqdaan sida dadka kale ay yeeli jireen. Tusaale ahaan dharka hoose ee garamaanta iyo saraawiisha hoosta laga xidho marka ay dadaalaan bishii mar ayaa ay beddeli jireen. Iyaga oo ku sababaynaya in dharkan hoose ay dhididka jidhka oo dhan nuugaan, sidaa awgeed marka iyaga la beddelo ay ka dhigan tahay in wasakh jidhka oo dhamina raacday.
Qoraagii Faransiiska ahaa ee Paul Scaron oo noolaa qarnigii 17naad ayaa masraxiyad uu hal abuuray oo lagu magacaabo Roman Comic ‘Maadayska Roomaaniyiinta’ waxa uu kaga sheekeeyey qisooyin qosol iyo maadays ah oo la xidhiidha dhaqannadii nadaafad darro ee xilliyadaas ka jiray qaaradda Yurub. Waxa uu sheegay in ninka adeegaha “Shaqaalaha” ahi uu ninka uu u shaqeeyo u keeni jiray biyo uu isku nadiifiyo oo nadiif ah cadarna lagu daray, laakiin halkii ay ka ahayd in uu ku maydho, uu ku kaaftoomi jiray inta uu biyahaas cantuugo in uu jidhkiisa ku tufo, kadibna intaas ku kaaftoomo isaga oo aaminsan in sidaas is nadiifintii loo baahnaa kaga dhan tahay.
Aynu ku noqonno ee Sandor Marai waxa uu buuggiisa ku sheegayaa in horumarka cilmiga iyo Tiknoolajiyaddu uu si weyn dadkii reer Yurub uga caawiyey in ay ka soo dabcaan dhaqankii mawqifka adag ka taagnaa biyaha, ama ugu yaraan in qayb bulshadii Yurub ka mid ahi dhaqankaas biyo nacaybka iska deyso. Halkaasna uu ku yaraado dhaqankii Yurub ee hoyga u ahaa wasakhda iyo nadaafad darrada.
Waxa uu buuggu sheegayaa in qarnigii 18naad ay dalalka Yurub qaarkood ka soo baxeen afkaar diiddan wasakhda, waxa aana la arki jiray dalalka ama magaalooyinka qaar oo dawladduhu ay soo saarayaan xeerar sharci oo lagu mamnuucayo in qashinka iyo saxarada dadka dadka daaqadaha laga soo tuuro. Isla xilliyadaas waxaa soo baxay dad badan oo wax ka beddelaya dhaqankaas hore, haba u badnaadaan kuwii ku dhaqnaa dhulkii ay diimuhu ka dhawaayeen gaar Rooma iyo dalka Isbayn oo Islaamku joogay. Xilliyadaas wixii ka dambeeyeyna waxa ay dadku bilaabeen in marka ay guryo dhisanayaan ay qorshaha dhismaha ku daraan in loo sameeyo suuliyo, in kasta oo ay ahaayeen suuliyo si aan tayo lahayn loo dhisayey, maadaama oo dadka dhisaya qudhoodu aanay aqoon badan u lahayn.
Sidoo kale waxaa xilliyadan soo baxday in dawladaha hoose ee magaalooyinka Yurub qaarkood ay cayimaan goobo u gaar ah in qashinka lagu qubo, dadkana ay ku dhiirrigeliyaan in halkaas ay qashinkooda ku ururiyaan.
Sannadkii 1774kii ayaa Saynisyahankii weynaa ee reer Switzerland ee lagu magacaabi jiray Carl Wilhelm Scheele waxa uu ikhtiraacay maadadda Kalooriinta (Chlorine) oo inta biyo llagu qaso lagu nadiifin jiray meelaha qudhmay, waxa uu ahaa ikhtiraac faa’ido aad u weyn u soo hooyey dadkii reer Yurub ee qarniyada badan qudhunka soo dugsanayey, waxa aanu noqday qodob kale oo dadkii ku dhiirrigeliyey isticmaalka biyaha.