London (Geeska)- Weli waxa aynu ku gudo jirnaa waxyaabihii uu Sandor Marai buuggiisa xusuus qorka kaga warramay ee la xidhiidhay nadaafaddii dadkii hore ee reer Yurub. Waxa uu sheegay in meelaha ay Carabtu kaga soo dhowaatay Yurub ama ay dawladihii Islaamka ahaa gacanta ku dhigeen ay ka nadaafad fiicnaayee dhulkaas kale ee aynu soo sheegnay, waxa aanu xusay magaalooyinka Qurdubah (Cordoba) iyo Ishbiiliyah (Seville) oo ka tirsan gobalka Andulus (Andalusia) ee dalka Isbayn, waxa kale oo iyaguna xagga nadaafadda ku fiicnaa magaalooyinka ay kiristaannimadu ku dambaysay ama ku xoogganayd oo uu ka xusay Roma.
Arrinta yaabka leh ee uu Sandor sheegay waa in marka laga tago magaalooyinkaas kooban ee aynu xusnay, inta kale ee magaalooyinka qaaradda Yurub guryaha la dhisan jiray casriyadii dhexe aan loo samayn jirin xamaam lagu maydho iyo suuli midna, dadka deggenina ay caado u lahaayeen in marka ay saxaroonayaan ama kaadi hayso ay si caadi ah guriga uga soo baxaan oo ay koone ka mid ah shaaraca iska fadhiistaan, kadibna iyaga oo aan isuba arkayn in ay wax bi’iyeen iska soo kacaan.
Sandor Marai waxa uu buuggiisan “Qirashooyinka Burjuwaasiyiinta” kaga sheekaynayaa qiso kale oo yaab leh oo muujinaysa heerka nadaafad darro ee xilligaas ka jirtay Yurub. Taas oo ah in dadkii xilligaas ee Yurub badankeedu ay caado u lahaayeen in saxarada dadka ay u isticmaalaan maydhista saanta xoolaha ee ay doonayaan in ay ka faa’idaystaan iyo dhalaalinta muraayadaha, waxaa jiray shirkado iyagu urursada saxarada ay dadku shaaracyada dhigaan, oo inta ay ceelal ay qoteen ku shubaan kadibna u isticmaali jiray nadiifinta saanta xoolaha ee ay ka ganacsadaan iyo muraayadaha.
Buuggu waxa uu intaas ku darayaa, in goobaha keliya ee la nadiifin jiray ay tahay jidadka ay marayaan waftiyada martida ah iyo kolonyooyinka ay saaran yihiin madaxda dawladdu, waxa ugu fiican ee lagu nadiifin jirayna ay tahay in doofaarro badan magaalada la soo geliyo kadibna suuqyada iyo shaaracyada muddo lagu daayo si ay u cunaan saxaradaas dadka iyo weliba hadhaahiga khudradda iyo cuntooyinka, laakiin dhibta dhici jirtay waa in doofaarradaasi ay cuni jireen saxarada dadka, dhinaca kalana iyagu ku saxaroon jireen oo ay tooda kaga tegi jireen shaaraca ama jidka, digada doofaarrada nadiifinteedana waxa uun lala sugi jiray xilli roobaadka.
Isbayn muslimiinta kadib siday noqotay?
Qoraagu waxa uu buuggiisa ku sheegayaa in markii Muslimiinta lagaga xoog roonaaday dagaalkii Andulus (Andalusia) ee dawladdii Muslimiinta laga qabsaday gobalkan dalka Isbayn ka mid ah, in magaalooyinkii gobalkan oo ahaan jiray hal-beeg loogu soo tusaale qaato nadaafadda iyo quruxdu ay mar keliya isu beddeleen kudaafado waaweyn oo qashin tuulan yahay.
Buuggan ‘Qirashooyinka Burjuwaasigu” waxa uu soo bandhigayaa qoraallo rasmi ah oo la sameeyey intii u dhexeysay sannadihii 1561kii illaa 1761kii oo ka marag kacaya sida magaalada Madrid ee xarunta Isbayn ay u noqotay goob loogu soo hal-qabsado kudaafadda iyo qashinka, iyo weliba dhaqan xumada nadaafadda ee dadka oo gaadhay in daaqadaha dabaqyada sare laga soo daadiyo biyaha wasakhda ah iyada oo ana dan laga gelayn cidda jidka hoose maraysa ee ay ku dhacayaan. Masuuliyiintii dawladduna aanay arrintaas waxba ka qaban ee ay isku koobeen uun in ay jidadka wadnaha ah oo keliya ay nadiifiyaan intii awooddooda ah. La soco…