Qoyska Mursi Oo Milatariga Masar Eedeeyay

0
611

Picture2Masar(Geeska)-Qoyska madaxweynihii xilka laga qaaday ee Masar ayaa ku eedeyay militeriga inay afduub ku haystaan Mursi.

Gabadh uu dhalay Mursi oo lagu magacaabo Shaimaa Mursi ayaa sheegtay in taliyaha militeriga uu mas'uul ka yahay nabadgelyada iyo caafimaadka Mursi.

Waa markii ugu horreysay ee uu qoyska Mursi ka hadlo xaaladdiisa tan iyo markii militeriga ay xukunka ka tuureen.

Qoyska ayaa sheegay inay dacwad ka dhan ah madaxda cusub ee Masar gayn doonaan maxkamadda dambiyada ee adduunka. Waxaana. Shaimaa Mursi  ayaa tidhi "Militeriga ayaa qaadaya mas'uuliyadda ammaanka Maxamad Mursi"

Lama oga halka lagu hayo Mursi tan iyo markii xukunka laga tuuray saddex toddobaad ka hor.Afhayeen u hadlay militeriga ayaa sheegay in Mursi lagu hayo meel aamin ah oo loola dhaqmayo si wanaagsan.

Taageerayaasha Mursi ayaa toddobaadkii saddexaad wado dibedbaxyo lagu doonayo in xukunka dib loogu soo celiyo.