Hoombaro Libaax Bay Soo Waddaa

0
812

(Istanbuul maxay ii soo waddaa)

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com – www.dharaaro.com Q4aad

Su’aalaha arrintan la iska weydiin karaa waa ay badan yihiin.Waa kuwii kunka habeen iyo habeenka,haddii aynu u soo jeedi karayno. Mar kale anigu waan idiin bilabayaa e’, idinkuna qalinka iyo warqadda isu qaada oo bal is-weydiiya, waxani wuxuu noqon karo.

Waxa lagu dawakhsan yahay magaca xafiiska noocan ah loogu wan-qalayo. Reer Somaliland waxay jeclaan lahaayeen in uu noqdo: Xafiiska Maamulka Hawada Somaliland.Saaxiibbadeenna Reer Soomaaliya iyaguna waxay jeclaan lahaayeen: in uu noqdo Xafiiska Maamulka Hawada Soomaaliyeed.Waa sida ay hadal-hayntoodu u badan tahay. Ku yar ilaa Madaxweynaha waxaan Soomaaliyeed ahayn ka maqli meysid. Wax kaleba ma maraan. Innaga iska daaye Soomaalidii daafaha dunida iyo Geeska Afrikaba ku noolayd ayaa la wada sheeganayaa oo aan indhaha la iskaga duwayn.

Xafiiskani, haddaba marka uu Hargeysa ka furmo maxaa loogu wan-qalayaa? Ma Xafiiska Maamulka Hawada Somaliland iyo Soomaaliya? Oo ma inaga yeelayaan? Oo markaa Puntland, Jubba Land, reer Baydhabo iyo kunkii meelood ee kalena ka warrama? Miyaynaan xiisad aynaan u baahnayn soo amaahanayn? Waraaqaha xafiiskaa lagu isticmaalayo ma bilaa astaan ayay ahaanayaan mise astaamaha labada dawladood ee jaarka ah ayaa ku wada qoormaya? Oo ma inaga yeelayaan?

Baabuurtooda lambarkee la siinayaa? Ma GD mise GT? Bal Ingiriiskan inagaga baxay maxa innaga ina daba dhigay. Annagaa yaab aragnay. Miyeynaan eedin ‘British-tii’ aynu ku riyoon jirnay. Alleylehe, jac baa inagu dhacday.

Tu’ Alleba badan e’, haddii ay Guddida isku-dhafka ahi muranto oo is-qabsato yaa kala saaraya? Ma Mudane Siilaanyo mise Mudane Xasan Sheekh? Oo haddii ay Xasan Sheekh noqoto ma halkan ayuu ugu imanayaa, mise isaga ayaa Muqdisho loogu tegayaa? Mise tilifoon buu ku soo hadlayaa? Ma Mudane Siilaanyo iyo Mudane Xasan Sheekh ayaa iska arkaya? Ma Istanbuul ayay ku kulmayaan? Mise Xamar ama/iyo Hargeysa? Ma laga yaabaa in ay labada Wasiir ee duulista Hawada wakiishaan? Ma se laga yaabaa in ay labada wasiirna laba Guddi u kala saaraan? Ma se laga sii yaabaa in labadaa Guddi ee dambena is-qabsadaan, ka dibna Guddi kale ay labada Madaxwryne u saaraan? Ugu dambaynta ma laga yaabaaba in Qarammada Midoobay wixii ay maamulaysay dib ula noqotaba. Miyaan hore loo odhan: “Karis xun iyaduna ku la’.” 

Waa wax aan laga fiirsan. Waa mushkiladda inaga haysata wada-hadalladan aan dabka loogu xiddigin. Xidaar iyo xaydho-daye midna ma helin. Waa xaal la huursaday oo sida ay dadka qaarkii la tahay lagala dhuuntay ummaddii iska lahayd.

Bal aan ku yar daaddegno labadan Guddii markii ay Istanbuul ku kulmeen waxyaabihii ay isula yimaaddeen. Kan ku horreynno wefdigii Somaliland waxyaabihii uu meesha la tegay.

Innaga oo soo xiganayna wargeyska Waaheen, cadadkii 1132aad ee soo baxay Shacbaan 30dii, 1434ka Hijriyada, kuna beegnaa 9kii juulay, 2013ka, Wargeysku wuxu yidhi:

“Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu tafaasiil ka bixiyay  ajandaha ay shirka soo hor dhigeen ee ay wateen ergadii reer Somaliland,  isaga oo arrintaasi, iftiiminaya waxa uu yidhi: ‘Ajandihii annaga waftigii reer Somaliland ka socday ay wateen waxa uu ahaa Qodobka koowaadee u horreeyay in ay aqbalaan oo aqoonsadaan la-soo-noqoshadii madaxbannaanida  iyo gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland…………………

Qodobka labaadnawaxa uu ahaa: In ay oggolaadaan oo nidaamkeedii la mariyo wixii dhibaato loo geystay dal iyo dad reer Somaliland ee ka soo gaadhay taliskii keli-taliska ahaa ee Maxamed Siyaad Barre………………..Qodobka saddexaadee aanu shirka soo dhignay waxa uu ahaa inta uu socdo wada-hadalku in ay oggolaadaan waxa la yidhaahdo de facto statusoo ah Somaliland inta aanay gaadhin aqoonsiga in la sameeyo nidaam ama hab lagu macaamilo oo macaamilo inagu dhex mari karto……..Waxa kale oo aanu miiska shirka soo dhignay in muranka laga saaro arrinta khilaafka taagan eemaamulka hawadaSomaliland iyo in kheyraadka dabiicigaah oo is-na lagu murmo in dhinacba wixiisa Ilaahay u calfay qaadato. Annagu qodobbadaas

Ayaanu miiska soo dhignay, iyaguna kuwaas oo kale ayay soo dhigeen.”

Intaa, waxaan iska saaraa Waaheen oo aan soo xigtay, isu-geyntoodu waa shan Qodob oo aynu ku soo ururin karno:

1. In ay aqbalaan oo aqoonsadaan la-soo-noqoshadii madaxbannaanida  iyo gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland,

2. In ay oggolaadaan oo nidaamkeedii la mariyo wixii dhibaato loo geystay dal iyo dad reer Somaliland ee ka soo gaadhay taliskii keli-taliska ahaa ee Maxamed Siyaad Barre

3. Inta uu socdo wada-hadalku in ay oggolaadaan waxa la yidhaahdo de facto statusoo ah Somaliland inta aanay gaadhin aqoonsiga in la sameeyo nidaam ama hab lagu macaamilo oo macaamilo inagu dhex mari karto

4. In Somaliland ay maamusho hawadeeda maa dama ay la soo noqotay madaxbannaanideedii,

In kheyraadka dabiiciga ah oo is-na lagu murmo in dhinacba wixiisa Ilaahay u calfay qaadato.

1 Soomaaliya Qodobbadii ay la timid waxa iyagana lagu sheegayay:

1. In Midnimada Soomaaliya ay tahay muqaddas isla markaana ay lama-taabtaan tahay,

2. Inn loo oggolaado in siyaasiyiinta dawladda Soomaaliya in ay iman karaan Somaliland isla markaana ay shirar ku qabsan karaan ama kaga qayb-geli karaan,

3. In shirarka wada-hadallada dambe lagu qabto Soomaaliya gudaheeda: Muqdisho ama Hargeysa,

In la isu furo isu-socod ka dadka iyo ganacsiga,

(La soco………………)