Qoyska Iyo Tiknoolajiyadda: Kamarad Si Aan Ku Talogal Ahayn U Sawirtay Nin Xaaskiisii Khiyaamaynaya

0
573

dddddddRoma (Geeska)- Kamaradaha duubayey ciyaartii dhammaadka ahayd ee wareeggii horyaallada Yurub ayaa si aan ku talogal ahayn u qabtay wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadka daawanayey ciyaartan oo dhunkanaya gabadh hareer taagan oo saaxiibaddii lagu sheegay. Laakiin sawirkani ma’uu noqon mid si dhayal ah lagu dhaafo ee waxa uu durbadiiba buuxiyey barkulannada bulshada ee internet ka waxa aanu noqday mawduuc doodo xiiso iyo xamaasad badan leh ka dhex abuuray dhalinyarada kala duwan ee dunida oo dhan, maadaama oo sawirkan lagu sheegay mid fashiliyey nin doonayey in uu xaaskiisa khiyaameeyo.

Qaar badan oo ka mid ah shabakadaha wararka, iyo warbaahinta kale ee dalka Tuuniisiya ayaa si weyn u faafiyey sawirka wiilkan oo ay sheegeen in uu yahay muwaadin u dhashay dalka Tuuniisiya oo xaas leh, markii uu Tuuniisiya ka safrayeyna xaaskiisa u sheegay in uu Talyaaniga u tegeyo safar shaqo oo toddobaad qaadanaya. Warbaahintan Tuuniisiya waxa ay sheegtay in gabadhan oo ka mid ah dadka xiiseeya daawashada ciyaaruhu, xilli ay daawanaysay ciyaarta dhammaadka ahayd ee horyaallada Yurub oo ay isku arkeen kooxaha Atletico Madrid iyo Real Madrid, mar uu talefishanku kamaradda ku duway taageerayaasha kooxda Atletico ay si kedis ah isha ugu dhufatay ninkeedii oo ka mid ah daawadayaasha ciyaarta oo inan dhunkanaya, arrintaas oo sababtay cadho iyo hinaase kulul oo gabadhii ku qasbay in ay markiiba ninkeeda furniin ka dalbatay.