Qoys Reer Suuriya Ah Oo Sheegay Inay Hayaan Cumaamad Uu Lahaa Nebi Muxammed (SCW)

0
933

Picture1Dimishiq (Geeska)- Qoys u dhashay dalka Suuriya oo ka soo jeeda qabiil loo yaqaanno Ashraaf, ayaa faafiyey cajalado kuwo kombiyuutarka ah (CD/DVD) oo ay ku sheegayaan inay hayaan cumaamad ka mid ah cumaamadihii Rashuulkeennii Muxammed (SCW).

Cajaladdan waxa ka muuqada koox rag ah jooga masaajid ku yaalla magaalada ay imika dagaalladu aafeeyeen ee Xalab ee dalka Suuriya iyaga oo u muuqda inay cumaamadan ka barakaysanayaan. Gabadh wakiil ka ah qoyskan ayaa sheegtay in cumaamaddan laga dhaxlay awoowyadii hore ee ninkeeda oo kala dhaxlayey muddo hadda laga joogo 250 sano. Culimada muslimiinta ee dalka Suuriya ayaa aad u naqdiyey in laga barakaysto cumaamaddan, waxa kale oo ay sheegeen in ay lahaanshiyaha cumaamaddan ee nebi Muxammed (SCW) ay u baahan tahay baadhitaan xeel-dheer iyo hubin.

Gabadhani waxa ay sheegtay in ay hayso sidoo kale waraaqo uu qorayey qof kasta oo cumaamadan dhaxlay, sida ay sheegtayna cumaamadan waxaa nebi Muxammed (SCW) ka qaatay Cali Ibnu Abi Daalib, kadib inankiisii Xasan Ibnu Cali ugu dambayntiina ay soo gaadhay qoyska reer Aala Kayaali. Waxa ay gabadhu sheegtay in qoyskoodu ay yihiin muslimiin sunni ah, iyada oo sida sawirkaba ka muuqan kartana sheegtay in cumaaddani aad u duugowday.