Muqdisho: Xildhibaankii Labaad Ee 24 Saac Gudahood La Toogtay

0
711

Muqdisho(Geeska)-Mudane kale oo ka tirsan baarlamanka Somalia ayaa shalay lagu diley magaalada Muqdisho ee caasimadda Somaliya.

Xildhibaanka la diley oo magaciisa la yidhaahdo Cabdicasiis Isaaq Mursal ayaa waxa toogtey dabley hubeysan. Waxaa uu noqonayaa xildhibaankii labaad ee  magaaladaas lagu dilo muddo 24 saac gudahood.
Isniintii waxa Muqdisho lagu diley Xildhibaan Isaaq Maxamed Riinow, kadib markii gaadhi uu watey uu bam lagu soo qariyey uu ku qarxey.  Ururka Al-Shabaab wuu sheegtay mas'uuliyadda dilka xildhibaanadan la diley.
Afhayeenka hawlgalada milateriga Al Shabab Sheekh Cabdicasiis Abu Muscab ayaa sheegay in weeraradan ay ku beegsanayaan siyaasiyiinta ay muujineyso in dowladda aaney waxba ka qaban karin amniga.

Qaramada midoobay iyo AMISOM ayaa cambaareeyay dilalka xildhibaanada, waxaanay dawladda ka codsadeen in la sameeyo baadhis rasmi ah.