Qoys Gabiley Degen Oo Caawimo Kaaga Baahan

0
489

Picture1Gabiley(Geeska)- Waa qoys ku nool Magaalada Gabiley oo ay ku habsatay mushkilad Caafimaad oo aad u xanuun badan oo ku cusub dalka jamhuuriyadda Somaliland, taasoo saameyn weyn ku yeellatay noloshooda, awoodoodda dhaqaale iyo guud ahaan nayaayirrooyinka Bulsho ee Daruuriga ah. Qoyskan oo kooban afar qof oo walaalo ah,  dhamaantoodna uu asiibay Xanuunka aan noociisa la xaqiijin oo laxaad tiray, ayaa ku nool nolol aad u qalafsan oo ay u dheertahay wel-wel iyo walbahaar Caafimaad daro oo uu sababay  Xanuunka ku dhacay oo sida ay sheegeen markii hore kaga dhacay  Laxaadka qaarka dambe,  kaddibna ku fiday lafaha ugu muhiimsan Jidhka, siiba  laf-dhabarta xidhiidhisa qaab-dhismeedka iyo awoodda qofka.

Sahal Cismaan Cabdi waa Masuulka qoyska, waxa ka weyn Axmed Cismaan Cabdi oo ah Aabbe dhalay siddeed Carruur ah oo ka fayoow Cudurkan Laxaadka ka fadhiisiiyey, isna waxa uu dhalay Laba Carruur ah, waxaanay leeyihiin Xaasas.  Labadan Nin ee Qoyska ugu waaweyn waxa hoos uga yar Maxamuud Cismaan Cabdi iyo Gabadh magaceeda la yidhaahdo Aamina Cismaan Cabdi. Maxamuud Cismaan Cabdi oo ah 35 jir Dhul-yaalla oo uu Maskax ahaan iyo jidh ahaanba naafeeyey Xanuunku, ayaa waxa uu cudurkani haleelay isagoo 15 jir ah,  iyadoo uu xidhay Hadalkii iyo hugunkii, isla markaana dhaawac dhinaca Maskaxda ah uu u geystay, sida ay sheegtay Hooyo Caasha Aw Jaamac Xirsi oo ah Hooyada  dhashay afartan ruux ee Naafada ah iyo Gabadh Shan sanno ka hor u dhimatay Xanuunkan. Qoyskan ayaa  ku nool Aqal Jiingada oo ka kooban saddex Maqsin, Xaafadaha dacalka Galbeed ee Magaalada Gabiley, halkaasoo dhawaan looga Iibiyey Dhulka ay degenyihiin oo Tabaruc loogu dhisay, kaalin weyna uu ka qaatay Sheikh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray oo kamida Culimada waaweyn ee Somaliland.

Waxaana sida ay sheegeen ay masruufsadaan lacag Gunno ah oo ay dhawaan dawladda Hoose ee Degmada Gabiley  u qortay, taasoo qadarkeedu dhanyahay Lix Boqol oo kun oo Shillinka Somaliland(SLSH 600,000).

 Ma jirto Taageero kale oo ay si joogto ah uga helaan meel kale, siiba Bulshada ku dhaqan Magaalada, Dawladda dhexe iyo Hay’addaha gargaarka toona. Waxaanay taasi sollansiisay inay isu barkadaan cidhiidhi dhanka nololsha ah, tamar la’aan bulsho iyo Xannuunku. “Dawladda hoose waxay na siisaa Lacag yar oo Lix boqol oo kun ah, Bil bilna waxaan ka helnaa Raashin yar, laakiinse wax kale ma helno. Wax nagu filana maaha” sidaas waxa sheegay Sahal  Cismaan  oo ka waramay kaabeyaasha Dhaqaale ee Qoyskooda. Waxaanu intaasi raaciyey “Dawladda waxaan ka codsanaynaa heer madaxweyne ilaa heer Deegaan in nalaga caawiyo sidii xanuunkaas aanu daaweyn ugu heli lahayn. Waayo waxaa naga dambeeya ubad yar yar oo aanu dhalnay oo u baahan in laga baadho inuu ku dhacay iyo in kale, annagiina waanagaa ka kici la’” ayuu sii yidhi Sahal isagoo la hadlayay Wariyeyaal ka socda Telefishanka Somalinews oo todobaadkan gurigooda ku booqday Qoyskaas. Sahal oo intaanu xannuunku ku dhicin ahaa Nin Ganacsade ah oo Magaalada Gabiley aad looga yaqaano , balse sida uu tilmaamay shan sanno ka hor  ay ka xidhantay meherad uu ku haystay Magaaladu, kaddib markii mashaqo Ganacsi oo ku habsatay, ayaa inkasta oo uu Naafo yahay oo uu ku socdo Baaskilad Curyaan, hadana heeggan ugu jira sidii nolol maalmeedka reerkiisa u soo saari lahaa. Waxa kale oo xoog u yahay, kuna mashquulsanyahay sidii maaro ugu heli lahaa  Mashaakilka Caafimaad ee Qoyskooda haysta, waxaanu u sheegay Wariyeyaasha u kuur-galay Xaalada Qoyskooda, in Badhasaabka Gobolku wakhti muddo ka soo wareegtay uu warqad u qoray Wasaarada Caafimaadka, taasoo Dadkan loogu dalbayey gurmad caafimaad oo guddaha iyo dibadba ah.

Warqadaasi waxa uu sheegay inay gaadhay  Wasiirka Caafimaadka, balse aanay wax jawaab ahi ka soo noqon dalabkaas Maamulka Gobolka. “Wasiirku ilaa hada kamuu soo jawaabin warqadii Badhasaabku qoray ee Suldaanku u geeyey, kolkaa Madaxweynaha iyo xukuumaddaba waxaan ka codsanayaa inay deg deg u soo faro geliyaan xaaladayada”.ayuu yidhi. Dhamaan dadkani waxay ahaayeen kuwo xoogsada qofba inuu ku soo gaadhay ka hor intaanu Cudurku laxaad tirin, kana dhigin  howl-gab noqday, sida ay sheegtay Caasha Aw Jaamc Xirsi oo  ah Hooyada Afartan ubad ah ee Naafadaa dhashay.

Caasha sida ay sheegtay waa Siddeetan jir Da’da iyo cimrigeeda sii Idlaanaya ay u dheertahay dhibaatada culus ee la deristay Carruurteeda iyo Cidhiidhiga xagga nolosha ee ay qoys ahaan ku jiraan. Waxa kale oo ay sheegtay inay wakhti iyo waayo fiican u ahayd markii ay maalaysay xooga Ubadkeeda.  “Carruurtu kuma dhalan Xanuunka. Afartaa qof mid aanan xoogiisa dhadhamin oo aan ii shaqayn isagoo laxaadkiisa qaba ma jiro, mid waliba mar qudha ayuunbaa la fadhiisiiyey”. “waxani waa xanuun ee maaha waxay ku dasheen ama hido ay u lahaayeen”.ayay tidhi Caasha Aw Jaamac. Waxaanay intaas raacisay   “wuxuu ku bilaamayaa Xanuunkani da’da 15 jir ilaa 35 jir markay yihiin”.

Hooyo Caasha ayaa aad uga Wer-wersan Mustaqbalka Ubadkeeda, isla markaana alle ka sekow ka dalbatay Umadda Islaamka inay gurmad Caafimaad u fidiyaan Qoyskeeda, iyadoo cod dheer ugu baaqday cid kasta oo Taageero ka geysan karta in lala tacaalo xaalada Caafimaadka Qoyskan. “Hooyo iminkana waxa weeye Illaahay ayuunbaan sugayaa iyo umadda Islaamku inay wax nala qabato oo nalaga caawiyo xag Caafimaad iyo eegga dhan Dhaqaaleba” ayay tidhi.

Waxaanay intaa ku dartay “Markii dhakhaatiirtii iyo culimadii loo geeyey waxba ka tari waayeen dee waan samray uun, cudurkuna maaha cudur joogsadaye waa cudur socda oo ku sii kordhaya mid walba” ayey tidhi Hooyo Caasha oo danta iyo duruuftu ku khasabtay inay Xoog iyo xayndaab u noqoto dayac-tirka Wiilalsheeda aan Jiifka ka toosi Karin, “anigaa Saxarada ka qaada oo u maydha oo ka Baaskiillada ku socda saara” ayay si murugo ka muuqato u sheegtay Caasha. Aamina Cismaan, waa 30 sanno jir, waxa uu xanuunku naafeeyey iyadoo 25  sanno jir ah sida noo sheegtay, waxaanay tilmaantay inuu markii u horaysay  kaga bilaabmay Muquryada iyo lafaha ilaa uu aakhirkii curyaamiyey. “walaal waan dhibaatetsanahay, waanan xanuunsanaynaa oo waadigaa na arkayaa” ayey tidhi.

Waxa ay intaas ku dartay aamina “ Cudurkan, Dhakhaatiirta dalku waxba kama qaban karno ayay yidhaahdeen, xanuunkuna waa mid marba marka ka dambeysa igu soo kordhaya, kolkaa umadda Walaalaha ee Muslimiinta waxaan ka codsanaynaa in nalaga caawiyo. Aadbaan u dhibaateysanahaye”.

Maayirka Degmada Gabiley Maxamed Cumar Cabdi (Aamin)0, ayaa sheegay inay ka war hayaan Xaalada Cakiran ee ay Qoyskani ku suganyihiin. Waxa uu intaas ku daray inay bilaha soo socda u kordhinayaan Gunnada ay siiyaan.

“muddo kooban ayaan hada xilka hayay. Waan ka war haynaa xaalladooda qoyskaa, bishan soo socota waxaan rajeynayaa inaan u kordhino Gunnada ay qaataan oo aan saddex boqol ugu darno” ayuu yidhi Maayirku. Waxaanu baaq u diray cid kasta oo gacan ka geysan karta Taakuleynta Nolosha Qoyskan, “annagu wixii awooddayada ah waanu la dedaalaynaa,  laakiinse waxaan ugu baaqayaa Bulshada iyo cidii kale ee wax u tari karta inay ka caawiyaan sidii dadkaa dhakhtar loo geyn lahaa, haday tahay Hay’addaha Caafimaadka ee Qaranka iyo cidii kale ee awoodi karta inay wax u tarto dadkaa ha loo gurmado ayaan leeyahay”ayuu yidhi. Aamin.

Fadlan hadaad Caawin karto kala xidhiidh Telefoonada hoos ku qoran:

Sahal Cabdi Cismaan: 0634660222 Telesom

//          //                  //: 0659970080 Somtel

Aamina Cabdi Cismaan: 0659113202 Somtel

Ama Magaalada Gabiley oo ay degenyihiin