Maxamuud Kofindha Oo Noqday Xiddiga Gool-dhalinta Garoonka Xawaadle Ee Ramadaanta

0
593

 

Picture2Hargeysa(Geeska)-Ciyaaryahan Maxamuud Cabdi Xasan (Maxamuud Gofindha), oo ka mid ah Ciyaaryahanada dalka ugu wanaagsan uguna magaca weyn, kana tirsan kooxda Kubada Cagta ee heerka kowaad ee Dawladda hoose Hargeysa (D.D.H), ayaa ku guulaysatay gool dhalinta bisha barakaysan ee Garoonka Xawaadle ee magaalada Hargeysa.

Ciyaaryahan Maxamuud Cabdi Xasan (Maxamuud Gofindha), oo ka tirsanaa kooxda Aadan Naytiin, ayaa inta badan kulamadii uu u ciyaaray kooxdiisan dhaliyey goolal, sidaasna waxa uu ku qaaday Gool dhalintii, isaga oo dhaliyey Shan Gool. 

Dhanka kale waxa xusid mudan in Maxamuud Gofidha oo sidan oo kale u qaaday gool dhalinta Bishii Ramadaan ee Sannadkii hore, kaas oo ku qaaday Garoonka weyn ee Hargeysa Stadium oo Sannadkaas lagu qabtay Tartan  Bisha barakaysan ee Ramadaan.