Qorshe Noocee Ah Ayuu Nuur Cadde U Dejiyay Inay Dawladiisii Cabdilaahi Yuusuf Ku Waajahdo Qaddiyada Somaliland?

0
677

 

 

nuur-cadde111-1Hargeysa(Geeska)-Warsidaha Wikileaks ayaa soo bandhigay aragtida uu Raysalwasaarihii hore ee dawladii Cabdillaahi Yuusuf, Nuur Xasan Xuseen (Nuur-Cadde) uu ka aaminsanaa inay dawladoodu ku waajahdo Somaliland.

 

Nuur-Cadde, ayaa kulan uu bishii January ee sannadkii 2009, dalka Djibouti kula yeeshay Senator Feingold oo ah xildhibaan ka tirsan aqalka odayaasha Maraykanka, wuxuu ku sheegay in qorshahoodu ahaa in marka ay dawladoodu xaliso dhibaatooyinka Koonfurta islamarkaana ay awoodooda gaadhsiiyaan maamulka Puntland ay wada hadal rasmi ah la bilaabaan Somaliland. “Maadaama oo ay Puntland ka tirsantahay dawlada midnimada, Somaliland waxay u baahantahay in si gaar ah loo waajaho.” Ayuu yidhi Nuur Cadde, waxaanu intaas raaciyay oo uu ammaanay horumarka ay umadda reer Somaliland gaadhay 21-ka sannadood ee uu Somaliya qasku ka jiray. “Mudnaantayada koowaad waxay tahay inay Somaliland ka mid ahaato Somaliya, laakiin aanu marka hore xalino dhibaatada Somaliya oo aanu Puntland is raacno, dabadeedna aanu wada hadal la bilowno Somaliland.”

Nuur Cadde, wuxuu sheegay in madaxbanaanida Somaliland la weydiin doono dadka reer Somaliland, “Ugu dambayn su’aasha aqoonsiga waxa lo dayn doonaa dadka reer Somaliland, waxaana jirta suurtogalnimo ah inay ku sii jiraan Somaliya.” Ayuu yidhi Nuur Cadde.